Odayaal Iyo Waxgarad Ka Soo Jeeda Beesha Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Madaxweyne Biixi La Yeeshay Kulan Ku Saabsan Tartanka Saylici Iyo Saajin

Hargeisa(GNN):- Odayaal, Waxgarad, Aqoonyahan iyo xildhibaanno ka soo jeeda Beesha Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Shalay kulan la yeeshay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ma jiro War Rasmiya oo ka soo baxay kulankaasi, laakiin ilo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika in Waxgaradkani oo iyagu dalbaday kulanka ay Madaxweyne Biixi kala hadleen tartanka uu Wasiirka Ganacsigu doonayo inuu Saylici kula galo kursiga Guddoomiye ku-xigeenka Afraad ee xisbiga Kulmiye.

Odayaasha ayaa Madaxweyne Biixi ka dalbaday inuu Wasiirkiisa Ganacsiga ka joojiyo tartankaasi, maaddaama oo aan lagu tartamayn Kuraasta kale ee Hoggaanka Xisbiga Kulmiye, iyadoo Odayaasha iyo Waxgaradka oo ka soo jeeda Beesha Maxamed Casse ee Madaxweyne ku-xigeenku ka dhashay ay Madaxweyne Biixi xasuusiyeen Taageeradii Beeshoodu ay Xisbiga Kulmiye siinaysay illlaa Xilligii uu xukunka hayey Daahir Rayaale Kaahin.

Odayaasha waxa kulanka Madaxweynaha ku wehelinayey mid ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland ee ka soo jeeda Gobolka Awdal, halka ay Madaxweynaha dhinaciisana ka soo jeedeen oo ay kulanka la fadhiyeen Wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo sidoo kale ah Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbigaasi Axmed Cabdi Dheere.

Lama oga, jawaabta uu Madaxweyne Biixi ka bixiyey dalabka Odayaasha Beesha Madaxweyne ku-xigeenka, laakiin Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu Odayaasha u sheegay inay reer Awdal ahaan iyagu Xal iyo Isfaham ka soo gaadhaan Kursigaasi.

Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxa dhowr iyo Tobankii sanadood ee u dambeeyay ku fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, balse maaddaama oo bisha dambe ee October, 2020 la qabanayo Shirweynaha Afraad ee Xisbul-xaakimka waxa shaaciyey inuu kursigaa Madaxweyne ku-xigeenka kula tartamayo Wasiirka Ganacsiga Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna ka soo jeeda Gobolka Awdal, laakiin waxa su’aalo badan dhaliyey waxa loogu tartamayo Kursiga uu Saylici ku fadhiyo, haddii aan lagu tartamayn Kuraasta kale ee Hoggaanka Kulmiye, sida ka Madaxweynaha ee ah Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye.