Xiisaddii Mareykanka iyo Shiinaha ee Muslimiinta Uighur oo soo laba kacleysay

Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu mamnuuco waxyaabaha laga soo dhoofiyo gobolka Xinjiang ee dalka Shiinaha sababo la xiriira in wax so saarkaasi loo adeegsaday shaqaaleyn qasab ah.

Waxyaabaha la mamnuucayo waxaa ka mid ah suufka iyo yaanyada oo ah labada wax soo saar ee ugu badan ee uu Shiinuhu dhoofiyo.

MaamulkaTrump ayaa cadaadis ku saarayay Shiinaha sida uu ula dhaqmo Muslimiinta Uighur.

Sanadihii la soo dhaafay Shiinaha ayaa kordhiyay ammaanka Xinjiang, isagoo sheegay in gobolka looga baqayo goosasho iyo argagixiso.

Shiinaha ayaa lagu eedeeyay in ilaa hal milyan oo qof oo gobolka ka soo jeeda la xiray iyadoo aan la xukminin.

Waaxda canshuuraha Mareykanka ayaa haatan hakisay waxyaabaha la soo dhoofiyo ee looga shakiyo inay ku lug leeyihiin shaqaaleysiinta qasabka ah.

Sharcigan ayaa looga gol leeyahay in lagula dagaallamo safrinta bani`aadamka, shaqaaleysiinta carruurta iyo tacaddiyo kale oo bani`aadannimada la xiriira.

Horraantii sanadkan xildhibaannada Mareykanka ayaa soo jeediyay sharci dhammaan badeecada ka timaadda Xinjiang u aqoonsanaya inay ku lug leedahay shaqaaleysiinta qasabka ah, isla markaana waxay badeecadaasi u baahnaan doontaa warqad caddeyneysa haddii aysan ahayn.

Washington iyo Beijing ayaa dhowr jeer isugu dhacay xeryaha dadka uu ku xiro Shiinaha, taas oo uu Shiinuhuna ku andacoonayo in loogu talogalay in ammaanka wax looga qabto.

Mamnuuciddan waxay saameyn doontaa ganacsatada Mareykanka ee dharka iyo kuwa cuntada.

Shiinaha waxay soo saartaa 20% suufka adduunka, badankiisna wuxuu ka yimaadaa gobolka Xinjiang.

Exit mobile version