Halkee ayuu ku danbayn doonaa heshiiskii u dhaxeeyey Khaatumo iyo Somaliland?

Waxaa jiray heshiis ay gaadheen xukuumadda Jamhuuriyadda gooni isu-taageeda ku dhawaaqday ee Somaliland iyo maamulkii Khaatumo ee uu madaxda ka ahaa Allah ha u naxariistee Cali Khaliif Galayr, oo shalay ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalida dalka Itoobiya.

Madaxweynahii Somaliland ee xilligaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynahii maamulka khaatumo Dr Cali Khaliif Galleydh ayaa habeennimadii 20-kii bishii October ee sannadkii 2017 magaalada Ceynabo ku kala saxiixday heshiis ka dhashay wadahadallo labada dhinac u soo socday labadii sano ee u dambeeyay oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Imaaraatka, Hargeysa iyo Jabuuti.

Nuqul kamid ah warmurtiyeedka heshiiskaas oo ay xilligaas heshay BBC-du ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen qodobbo ay ka mid ahaayeen:

  • In la helo caddaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhammeeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan caddaalada iyo Sinnaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jiritaanka iyo danaha Somaliland.

Halkee ayuu ku danbayn karaa heshiiskaasi?

Tan iyo markii uu xilka ka degay madaxweyne Siilaanyo, oo xilliga uu heshiiskaasi la galay ay u hadhsanaayeen wax ka yar laba bilood muddo xileedkiisa ayaa la filayey in xukuumadda beddeli doonta ay halkaas kasii ambaqaadi doonto.

Inkasta oo ay jireen kulammo ka danbeeyey oo ay wada yeesheen madaxweynaha hadda ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, weli kama ay soo bixin natiijo la taaban karo, iyadoo xilligii la galay heshiiskaas ay ka soo wareegtay muddo ku dhaw saddex sano.

Qoraalka Codka,Khaatumo iyo Somaliland oo wadahadlaya

Cali Khaliif ayaa muddooyinkii u danbeeyey Hargeysa ku sugnaa waxaana la rumaysan yahay inay ahayd sababtii ugu weynayd ee u joogay hirgelinta heshiiskaas ay ku wada jireen Somaliland.

Heshiiskaasi raggii ay ka wada shaqeeyeen ee muddooyinkii dambena ay aadka isugu dhawaayeen waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha xisbiga UCID ee mucaaradka ah, Eng Faysal Cali Waraabe, oo aanu weydiinnay halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka, heshiiskii labada dhinac dhex maray, iyo waxa laga qabtay dhaliilo uu marxuumka qudhiisu mararka qaarkood farta ku fiiqay oo uu sheegay in ay leedahay xukuumadda Somaliland.

“Heshiiska waxa uu la galay xukuumaddii Siilaanyo oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye aniyo xisbiyada kalena waan la wadaagnay oo waa ku raacsanayn, markii danbena dawladdii uu dhisay madaxweyne Muuse guddidii Khaatumo waxaa ku jirey illaa afar wasiir oo wasiirka dastuurku ka mid yahay, laakiin meel kastaba si xun u sheeg lagama waayo laakiin waxaan wadnaba meel fiican bay hadda maraysay oo uu isniinta soo noqdo ayay ahayd oo heshiiska la dhammaystiro” ayuu yidhi Faysal

Weriyaha BBC-da ee Axmed Nagaashe ayaa isla sida oo kale Faysal weydiiyey, haddiiba uu dhintay Cali Khaliif, mustaqbalka heshiiskii sida uu noqon doono. Faysal ayaa se ku adkaystay in uu sii socon doono oo la dhmmaystiri doono.

“Cali hadduu geeriyooday heshiiskii waa nool yahay annaguna waan nool nahay, insha Allah waa la dhammaystiri doonaa. Cali wuxuu doonayey in waddanka aan la kala sarrayn oo caddaalad la gaadho oo la fidiyo maamulka, wuxuu odhan jirey Yoocada, Insha Allah Yoocadiina waan gaadhi doonnaa” ayuu ku jawaabay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

Qodobabda heshiiskaas waxaa ka mid ahaa in dib loo furo dastuurka, waxaana uu Faysal sheegay in arrintaas ay samayn doonaan oo la sugayaan baarlamaanka cusub ee iman doona doorashada la filayo in ay dhawaan ka dhacdo Somaliland.

Aasaaskii Khaatumo

Horraantii sannadkii 2012 ayay ahayd markii Taleex lagaga dhawaaqay maamul goboleed loo bixiyay Khaatumo.

Maamul goboleedkan ayaa waxaa ku dhawaaqay shir beeleed ay isugu yimaadeen dhowr boqol oo ergay oo ka kala yimida dalka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Maamulkaas ayaa xilligaas sheeegay in uu yeelan doono Golaha Duqeyda, Golaha Wakiillada iyo Wasiirro ay Madax u yihiin saddex Madaxweyne oo ku wada jira Golaha Madaxtooyada.

Saddexda Madaxweyne midba mar ayuu xilka heynayaa oo waa meerto.

Maamulkaas ayaa ujeedkiisu ka talinta gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Marka laga tago Somaliland waxa sida oo kale oo gobolladaas sheegta maamulka Puntland.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag.

Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo.

In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma ay suuragalin.

xigasho bbc

Exit mobile version