Imaaraadka Oo Shuruudo Ku Soo Rogay Dadka U Safraya Dalkiisa Ee Ka Tagaya Dalal Somaliland Ka Mid Tahay.

Hargeisa(GNN):-Dalka Imaaraadka Carabta ayaa shalay soo saaray shuruudo kala duwan oo uu ku soo rogay dadka booqashada iyo shaqooyinka u tagaya dalkaas ee ka imanaya dalalka dunida iyo weliba kuwa u gudbaya dalal kale ee Imaaraadka Carabta sii maraya.

56 waddan oo dunida ah oo uu Imaaraadku soo saaray shuruudaha caafimaad ee ay dadka ka imanayaa marayaan marka ay gaadhaan dalkaasi Imaraaadka, ayaa waxa ku jira dadka ka tagaya dalka Somaliland ee u socdaalaya dalka Imaaraadka amaba uga sii gudbaya dalalka kale.

Dalalka ay Somaliland ku jirto waxa ay Imaaraadku sheegeen in dadka  deggen Imaaraadka ee ka imanaya dalalka ay Somaliland ka mid tahay ay waajib tahay inay sitaan laba caddaymood oo muujinaya natiijada baadhista Covid-19.  Mid waa inay soo qaataan ka hor intaanay soo dhoofin oo ah 96 saacadood ka hor in la soo baadhay, iyo ka labaad oo ah inay ku maraan baadhis kale marka ay soo gaadhaan Dubai.

Dadka dalxiisayaasha ah ee tagaya UAE ee ka tagaya dalalka ay Somaliland ku jirto waa inay iyaguna inay sitaan laba  cadaymood oo muujinaya natiijada baadhista Covid-19. Mid waa inay soo qaataan ka hor intaanay soo bixin oo ah 96 saacadood ka hor in la soo baadhay iyo ka labaad oo ah inay ku maraan baadhis kale marka ay soo gaadhaan Dubai.

Dadka ka gudbaya Imaaraadka ee ku sii jeeda dalal kale waa inay haystaan warqad muujinaysa ama ay ku caddahay in laga waayay  Covid_19.

56-ka dal ee ay UAE baahisay shuruudaha looga baahan yahay inay buuxiyaan dadka ka imanayaa ayaa waxa sidoo kale ku jira dalka Soomaaliya, waxaanay laba u kala saareen Somaliland iyo Soomaaliya.