Munaasibadda loogu fooladaynayey dufcadda koowaad ee layli sarkaal oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, islamarkaana uu madaxweynuhu derejooyin cusub ku taxay dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada dalka, macallimiinta kulliyadda tababarka Cabdilaahi Askar, madax kala duwan oo ka socota hay’adaha xukuumadda, saraakiisha cusub ee la layliyey iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo saraakiisha cusub ee dalka usoo baxday iyo waajibaadka horyaalla.
Madaxweyne Biixi Tababar u soo Xidhay Dufcaddi 1aad ee Layli Sarkaal Barata & Derejooyin uu ku taxay
Taliyaha kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdilaahi Askar gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Sardheere iyo madax hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed Tansaani oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen tababarka saraakiisha cusub ee maanta qalinjebisay, waxana ay caddeeyeen inay yihiin dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, islamarkaana lagu aamini karo inay kasoo baxaan hawl kasta oo qaranku uga baahdo.
Taliyayaasha ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo badda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey saraakiisha cusub ee dalka gudihiisa ku tababaratay, waxana ay shaaciyeen in dufcaddani caddayn u tahay inuu qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiisha, iyaga oo saraakiisha aflaxdayna kula dardaarmay inay dhexda u xidhaan sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen, ugana faa’iidayn lahaayeen aqoontii iyo tacabkii la geliyey, amniga qarankooda iyo ilaalinta nafta iyo maalka bulshadana il gaar ah ku eegaan.
Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey dhallinyarada saraakiisha ah ee dalka gudihiisa wax ku baratay, waxana uu sheegay inay saraakiishani maanta marag ka yihiin in qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiil cusub oo haatan ka hor dibadda loogu bixi jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo jirriddaha loo adkeeyey awoodda ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo isku fillaansho ka gaadhay tababaridda heer sarkaalnimo oo markii hore dalka dibaddiisa lagaga soo bixi jirey.”