Somaliland Oo ka Jawaabtay Eedeymo ka Dhashay Cafiskii Madaxweyne Biixi U Fidiyay Maxamed Cumar Carte

Xukuumadda Somaliland ayaa ka jawaabtay hadal heyn ka dhalatay cafiskii madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi uu u fidiyay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya Maxamed Cumar Carte.

Qoraal uu saaray afhayeenka Wasaarradda Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Aadan Cumar ayaa lagu sheegay in qofka kasta oo reer Somaliland ah oo ka tanaasula fikirkiisii hore ee uu aaminsanaa iyo ka mid ahaashaha Dowladda Federaalka Soomaaliya uu xaq u leeyahay sida uu hadalka u dhigay in uu helo cafis iyo in uu deegaannadiisii dib ugu soo laaban karo.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa dhaliilay habka loo maray cafiska Maxamed Cumar Carte iyaga oo ka digay imaashiyahiisa Somaliland, sidoo kale waxaa arintan siyaabo kala duwan uga hadlay siyaasiyiin caan ah oo reer Somaliland ah.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maxamed Cumar Carte oo la xiriira tagistiisa magaalada Hargeysa in uu isaga baxay ka mid ahaansha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso

Exit mobile version