Maxay sababta haweenka muslimka ah ee ka tirsan booliska New Zealand loogu ogolaaday xijaabka?

Booliska New Zealand ayaa u ogolaaday haweenka muslimka ah ee ka tirsan booliska inay qaadan karaan xijaabka marka ay shaqadooda ku gudanayaan si haween badan ay uga mid noqdaan booliska.

Zina Cali oo dhawaan ku biirtay booliska ayaa noqoneysaa haweeneydii ugu horreysay oo muslim ah oo ka tirsan booliska New Zealand oo qaadata xijaabka.

Afahayeen u hadlay booliska ayaa sheegay in tallaabadan looga golleeyahay in booliska uu noqdo adeeg qof kasta ‘qaabili karo’ si dad kala duwan ee ka tirsan bulshada dalkaas ay ugu soo biiraan.

Sida laamaha kale ee booliska dunida, booliska London iyo booliska Scotland waxay haweenka muslimka ah siiyeen khiyaar ah inay xiran karaan xijaabka marka shaqadooda gudanayaan.