Shirkad dooneysa in sokor badan la cuno si meesha looga saaro “fakarka khaldan” ee laga aamisan yahay

Shirkadaha soo saara sokorta ayaa dalka Hindiya ka bilaabay olole ay ku dhiirrigelinayaan dadka dalkaas inay cunaan sokor badan.

Ururka ay ku bahoobeen shirkadahan (ISMA) ayaa sheegay inay doonayaan inay meesha ka saaraan fakradaha laga aaminsan yahay sokorta iyo saameynta ay caafimaadka ku leedahay.

Celcelis ahaan, dadka Hindiya waxay cunaan 19kg sanadkii, taas oo ka hooseysa inta caalamka laga cuno.

Welina, Hindiya waa dalka ugu weyn dunida ee laga cuno waxyaabaha macmacaan.

Wax soo saarka Hindiya ayaa la filayaa inuu kor u kaco 13% sanadkan oo uu gaaro 31m oo tan, balse dowladda ayaa sheegtay inay joonin doonto lacagaha ay ku kabto dhoofinta sokorta si loo iibiyo inta haatan bakhaarrada ku jirta.

Barta ay internet-ka ku leeyihiin ISMA ayaa waxaa lagu soo daabacaa maqaallo gaagaab oo cinwaan looga dhigay “Cun, Cab & Caafimaad Qab: In yar oo sokor ah ma xuma”.

Sidoo kale ololahan waxaa qeyb ka ah in baraha bulshada la soo dhigo cunto kariyeyaal caan ah iyo tabarayaal caafimaadka oo ka sheekeysanaya nolol caafimaad leh.

Waxay cunto kariyeyaashu sameeyaan waxyaabaha mac macaan, iyadoo dadka laga wacyi gelinayo waxyaabaha macmalka ah ee wax macaaneeya, oo la leeyahay dadka kama caawiyaan inay miisaanka iska dhimaan, ee waxay kugu yeelan karaan khatar caafimaad.

Ma hab caafimaad leh baa?

Ololahan ayaa ka duwan kuwa dalalka kale ee caalamka, kuwaas oo lagu yareeyo cunitaanka sokorta.

Sokorta waxaa lala xiriiryay dhibaatooyin kala duwan oo caafimaad, sida cayilka iyo xanuunka macaanka.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa ka walaacsan shirkadaha cabitaannada iyo cuntada ku dara waxyaabo ay ku sheegaan inaysan sokor lahayn, oo ay xitaa ku daraan malabka iyo khudradda.

Ilaa 50 milyan oo beeraleyda Hindiya ah ayaa beerta qasabka, iyadoo malaayiin kalena ay warshadaha sokorta ka shaqeeyaan amaba dhoofinta sokorta.

Dowladda ayaa qaadday tallaabo ay ku dhiirrigelineyso in sokorta loo dhoofiyo dibadda, iyada oo lacag ku caawisa beeraleyda, taas oo ay cambaareeyeen dalalka kale ee soo saara sokorta.

Qaab kale oo loo joojin karo sokorta xad dhaafka ah ee laga soo saaro dalkaas ayaa ah in loo isticmaalo shidaal, iyadoo laga sameynayo gaaska ethanol.

Exit mobile version