Khatar Caafimaad Darro Oo Kusoo Fool leh Bulshada Ku Ganacsatada Suuqa Gobanimo ee Hargeisa, Bulaacaddii Wasakhda iyo Qashinka Oo Ku Fatahday.

Hargeisa(GNN):-Qaar Kamida Ganacsatada Suuqa Gobanimo iyo Bulshada ku ganacsada Suuqaasi ayaa Cabasho xoogan ka muujiyey, Caafimaad darro baahsan oo kasoo fool leh Bulaacada qashinka iyo wasakhda suuqa gobanimo oo ku fatahday Wadooyinka suuqaasi,

waxaana dadka iyo meheradaha la jaarka ah bulaacadani si xoogan cabasho uga muujiyeen in wasakhda iyo biyaha kasoo dareera ee soo fatahaa uu ku hayo dhibaato weyn taas oo dadku aaney u adkaysan Karin urta kasoo burqanaysa,

waxaanu sheegay mid kamida ganacsatada halka meheradaha ku haystaa oo warbaahinta la hadlay in waaxda fayadhworka ee dawada hoose caasimadu dhegaha ka furaysata khatarta kusoo foolka leh suuqan lagu ganacsado, isagoo sidoo kale sheegay in marar uu isku dayey in uu dhiso wadad marta goobtaasi ay masuuliyiintii waxani shaqadooda ahayd waydiiyeen laaluush.

Halkan Ka Daawo Muqaalka Cabashadan.