TACSI: Wariye Cabdisalaan Ibrahim Hereri oo Tacsi u diyaaya Geerida ku timid Allah ha u naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan oo Germany ku geeriyooday.

Hargeisa(GNN):-TACSI: Wariye Cabdisalaan Ibrahim Hereri oo  Tacsi u diyaaya Geerida ku timid Allah ha u naxariistee Cabdi Cali Bacalwaan oo Germany ku geeriyooday.

Ma dhinte waa Ilaahay. Waxaa ku geeriyooday cusbitaal ku yaala wadanka Jarmalka fanaankii waynaa ee Cabdi Cali Bacalwaan. Waxaa uu fanka Somalida ku soo biiray lixdameeyadii, waxaanu ka mud ahaa muddo dheer kooxdii Waaberi ee safka hore kaga jirtay fanka Somalida.

Ilaahay ha u naxariistee, waxaanu si wanaagsan isugu baranay magaalada Nairobi 1998, intii ka dambaysayna xidhiidh wanaagsan ayaanu lahayn.

Ka sokow codka wanaagsan ee uu lahaa iyo heesaha macaan ee ay dadku badanaa ku yaqaaneen, waxaa uu ahaa shakhsi aad u dabeecad wanaagsan oo aan laga xiiso goynin.

Ilaahay ha u naxariisto Bacalwaan, qoyskiisii, asxaabtiisii iyo umadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Sawirka kale waxaa uu ahaa 1998 iyo Nairobi, waxaa nagula jira ganacsadaha caanka ah ee Idiris Guray.