Tirada Saraakiil Ciidan iyo Madax Kale Oo Ilaa Hadda La Xaqiijiyey Inay Ku Dhinteen Qaraxii Galabta Ka Dhacay Gaalkacayo.

Dadka ilaa hadda la xaqiijiyey qaraxii maanta ka dhacay gaalkacayo ayaa isugu jira Saraakiil ciidan iyo madax kale kuwaas oo ay kamid yihiin taliyihii qeybta 21-aad ee CXD, General Abdiaziiz Abdulaahi (Qooje), taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan iyo gudoomiyihii hore ee Gaalkacyo qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).

Raysal Wasaarihii hore somalia Mudane xassan cali Khayre ayaa tacsi uu soo dhigay ku sheegay sidan.

Innaa Lillaahi Waa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacab weynaha gobolka Mudug, uga tacsiyeynayaa musiibadii ka dhalatay qaraxii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Waxaan si gaar ah uga tacsiyeynayaa geerida xanuunka badan ee ku timid taliyihii qeybta 21-aad ee CXD, General Abdiaziiz Abdulaahi (Qooje), taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug, Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan iyo gudoomiyihii hore ee Gaalkacyo qeybta Puntland, Maxamuud Yaasiin Axmed (Tumeey).
Waxaan Allah caafimaad deg-deg ah uga baryayaa dhamaan saraakiisha, mas’uuliyiinta iyo shacabka kale ee musiibadaas ku dhaawacmay.
Dhammaan saraakiisha iyo mas’uuliyiinta naga baxay iyo kuwa dhaawacmay waxey ahaayeen furayaashii howshii nabadeynta iyo is-dhexgalka bulshada Mudug labadeeda dhinac, waxey ahaayeen halyeeyo usoo baxay bulshada gobolkaas iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.
Shacabka Soomaaliyeed guud ahaan, dowlada Federalka ah iyo maamullada Puntland iyo Galmudug waxaan ugu baaqayaa inay gargaar iyo taageero dedeg ah la gaaraan shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee dhibaatadu kasoo gaartay qaraxa.
Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 1 person, sunglasses
Image may contain: 2 people, people standing, text that says 'MILGO Decorations 907793338 0907983828 a'