Weftigii Uu Hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Oo Safar Dhulka Ah Ku Soomaray Deegaamo Hoos Yimaada Gobolada Selel, Awdal, Gabiley Iyo Maroodi-jeex.

Hargeysa(GNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa saaka hiirtii waaberi kasoo amba baxay Magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel, safarkaas oo isugu jiray jarmaadid, dheemaalid iyo galab-caraw, waxaanu madaxweynuhu safarkiisa kusoo maray degmooyin iyo deegaano kala duwan oo hoos yimaada gobolada Selel, Awdal, Gabiley iyo Maroodi-jeex kuwaasi oo dhammaantoodba si ballaadhan loogu soo dhaweeyey jiidahaasi, isagoo madaxweynuhu bulshada isugu soo baxday deegaanadaas oo isugu jira waxgaradka, waayeelka, aqoonyahan, haweenka iyo dhallinyarada deegaamada kala ah, Ceel-gaal, Geerisa, Fardo-lagu-xidh, Garba-darar, Cali-xaydh, Agabar iyo Daarasalaam, oo uu kala hadlay fagaarayaal, sidoo kale waxa uu salaan gacan tag ah u fidiyey bulshadii isugu soo baxday magaalooyinka Caasho-cado, Gab iyo Sheed-dheer.
Waxaanu madaxweynuhu safarkiisa ugu kuur-galayey xaalada guud ee dad iyo duunyo ee deegaamadaasi, waxaanay shacabku si weyn ugu riyaaqeen, in deegaamadaasi qaar ka mid ahi aanay hore u arag madaxweyne soo booqda, islamarkaana madaxweynaha waxay uga mahadceliyeen furista xadka Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo ah mid wax weyn ka badali doona fursadaha ganacsi ee labada dal, waxaanay dhanka kale soo dhaweeyeen bilowga mashruuca dhismaha Jidka Jabuuti iyo Boorama oo dadku baahi weyn u qabaan.
Sidoo kalena waxay bulshadaasi madaxweynaha ku bogaadiyeen doorka lama ilaawaanka ah ee dardar gelinta siyaasada arrimaha dibada oo uu wax-weyn ka qabtay islamarkaana indhaha caalamku wakhtigan ay soo eegayaan Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ay ku macneeyeen guul diblumaasiyadeed oo qaranku gaadhay waxaa kale oo ay sheegeen inay madaxweynaha iyo xukuumadiisaba ku barbar-taagan yihiin hormuudna u yihiin horumarka dalkooda hooyo.
Ugu danbayntiina waxa uu Madaxweynuhu caawa ku soo hoyday Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeya, iyadoo bulshada caasimadduna ay si diiran u soo dhaweeyeen weftiga madaxweynaha.
Wa-bilaahi Tawfiiq