Jabhad Xiriir la Leh Al Shabaab Oo Looga Dhawaaqay Itoobiya iyo Xubno Laga Qab-qabtay.

Jabhadan cusub oo loogu magac daray Islamic State Center ayaa laga dhisay Gobolka Baale ee ismaamulka Oromiya , waxaana Jabhadan la sheegay in fikir ahaan taageersan yihiin Ururada Al Shabaab iyo Daacish.

Maxamed Rashaad oo ka mid ah hoggaanka Jabhadan jihaad doonka ah ee looga dhawaaqay Itoobiya ayaa warbaahinta u sheegay in jabhadooda fikir ahaan la dhacsan tahay xoogaga Al Shabaab iyo Daacish ee ka dagaalama Soomaaliya iyo meelo kale.

Howlgal ay fuliyeen ciidamada federaalka Itoobiya ayaa lagu soo qab qabtay 25-qof oo isugu jira rag iyo dumar la sheegay in xubno ka yihiin jabhadan cusub, waxaana dadkan oo Oromo ah la baxeen magacyo kale oo carbeed.

Dowlada Federaalka Itoobiya ayaa sheegtay in ururkan tababaro iyo taageeraba ka heleen kooxda Al Shabaab, waxa ayna dowlada sheegtay in ay ka go’an tahay la dagaalanka ururada argagaxisad ah.