“Madaxweyne Muuse Isku Xisbi baanu ahaynoo Dadku Muxaafid Bay Moodi Jireen Mucaarad Gudaha ah Buu ahaa”Siyaasi Mawliid Waris

Hargeisa(GNN):-Siyaasiga Mawliid Waris C.laahi Oo kamida Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani horeuna usoo noqday xoghayihii dawlada hoose hargeisa, ayaa madal uu ka jeediyey khudbad oo xisbiga waddani kusoo dhaweynayey musharax kamid noqon doona xisbiga waddani, ayaa ka jeediyey khudbad nuxurkeedu ahaa taariikh ahaan doorashooyinkii hore ee ka dhacay dalka iyo doorkii ay ku lahaayeen shacabka gabiley, waxaanu ka waramay wakhtigii xisbiga kulmiye uu ka sharaxnaa Madaxweynihii hore Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud siilaanyo, in madaxweyne oo ay isku xisbi ahaayeen dadku ay moodi jireen inuu yahay Muxaafad balse uu ahaa Mucaaridka gudaha ee xisbiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Khudbada Siyaasi Mawliid Waris.