Xisbul Xaakimka Kulmiye oo Soo Dhaweeyey Musharax Kamida Xubnaha uga Qayb Galaya Doorashada Golaha Wakiilada, Gobolka Maroodijeex.

Hargeisa(GNN):-Hogaanka Sare xisbul xaakimka kulmiye ayaa maanta munaasibad soo dhaweyn ah u qabtay mid kamida aqoonyahanka ka sharaxan Gobolka maroodijeex Doorashada golaha wakiilada somaliland.

Waxaana Madashan soo dhaweynta ah kasoo qayb galay Aqoonyahanka Cuqaasha, Waxgaradka Waayeelka iyo Dhalinyarta kasoo jeeda meesha uu ku matalo musharaxani doorashada soo socota iyagoo halkaa ka shaaciyey inuu yahay musharaxa ka deegaan ahaan ay usoo xuseen inuu uga mid noqodo Xildhibaanada Golaha wakiilada ee la filayo inay soo baxaan doorashadan soo socota, isagoo kamid noqonaya Musharaxiinta Gobolka maroodijeex.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Oo Faahfaahsan.