“Gabiley Iyo Wadani Waala Ogaa Siday Isku Ahaayeen, Maantase Way Is Badashay, Waana In Aynu Ku Cibro Qaadano Khaladkii Aynu Galnay” Musharax Bookh.

Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Shacab Reer Gabiley Ugu Baaqay In Ay Ku Cibro Qaataan Khaladkii Ay Galeen Ee Ay Xisbiga Kulmiye ku taageereen.

GABILEY(GNN):-Musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh oo kamid Ahaa Dhalinyaradii Mudo hore shaacisay Hankiisa Murashaxnimo Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland Ee Gobolka Maroodi Jeex, kana mid ah dhalinyarada ganacsatada Ah ee maalgalinta ku sameeyay caasimada gobolka gabiley ee Gabiley Ee doorka laxaadle kazoo qaatay doorashadii Madaxtooyada 2017 Oo uu kamid ahaa shakhsiyaadkii dhexda Uxidhay sidii talada dal uu uhanan lahaa madaxwaynaha haatan kursiga ku fadhiya muuse biixi cabdi balse xisbiga kulmiye ku wacad furay Wakhti xaadirkan ee musharaxnimadiisii golaha wakiilada ee gobolka maroodi jeex ayaa hada kamid noqday dadka ka sharaxan xisbiga  mucaaridka ee wadani oo isagu gacmo furan  kusoo dhaweeyay,

Musharax Maxamed cabdilaahi bookh oo dareen celiyay Musharaxnimadiisa xisbiga wadani ayaa sheegay in xisbigii kulmiye ku wacad furay bulshada reer gabiley islamarkaana uu qoomamayn doono taageeradii uu heli jiray reer gabiley oo hada udigo rogotay Mucaaridka ah ee xisbiga wadani

Hadal uu musharax Maxamed Cabdilaahi Bookh kazoo yeedhay ayaa Noqday mid saamayntiisa leh kaasi oo hadalhayntiisu ku badanay shacabka ku dhaqan gobolka gabiley taasi oo abuuray Dood iyo guux siyaasadeed oo umuuqda  mid sitoos ah bulshada reer gabiley  utaabteen Abaal la,aanta xisbiga kulmiye iyo madaxwayne biixi  sida uu ugu wacad furay reer gabiley oo Hiil iyo hooba uhuray balse aanay ka helin saamigii ay ku Lahaayeen dawlada, halka uu wakhti xaadirkana daaqada ka Tuuray kaatiriintii xisbiga ee hantooda musharaxnimo doonayay In Ay iska soo sharaxaan kulmiye halka uu gacmo furan kusoo Dhaweeyay xisbiga wadani oo ay siwayn uga soo horjeesteen Doorashadii madaxtooyada ee 2017.

HALKAN KAGA BOGO MUSHARAX BOOKH IYO WEEDHIHII UU KA YIDHI KULMIYE;