Khudbad Quluubta Bulshada Soo Jiidatay Oo Uu Ka Jeediyey Abwaan Musharax Xassan Saleebaan Dhuxul Madashii Lagu Soodhaweeyey.

Hargeisa(GNN):Abwaan xassan Saleebaan Dhuxul oo ku caan ah (Laabsaalax) oo Dhawaan shaaciyey inuu u taagan yahay musharaxiinta doorashada golaha wakilada somaliland, ayaa maanta loogu qabtay Munaasibad heerkeeda dhicitaan si cajiiba loosoo agaasimay magaalada hargeisa, taas oo ay kasoo qayb galeen in ka badan toban kun oo qof.

https://youtu.be/ARy_YH2jUOo
Xafladan Shaacintan musharax Xassan saleebaan dhuxul oo maanta ka qabsoontay hotel maansoor ee magaalada hargeisa ayaa noqontay munaasibadii abid ugu dadka badnayd marka loo eego xafladaha la midka ah ee musharaxiinta, taas oo sababtay in tirada dadka oo xad-dhaaf ah awgeed uu qaadi waayo hoolka ugu weyn hotel maansoor, oo ay dadka badankiisu banaaanka ka dhegaysanayeen khudbadaha madaxa.

Kasoo Qaybgalka xafladan oo kulmisay aqoonyahanka, dhalinyarta, haweenka, siyaasiyiinta mucaaridka iyo muxaafidka, xubnihii ugu tirada badnaa oo ka socoday golaha wasiirada somaliland, iyo hogaanka xisbiga kulmiye, ayaa madashan lagu ibo furay heeso soo jiitay bushalada oo ay qaadayeen kooxda xidigaha geeska, oo uu abwaan xassan saleebaan dhuxul oo hadda musharax ahi, ku suntan yahay yagleelka koox faneedkaasi, iyo suugaan qiimo badan oo wax badan dalka somaliland ka taray dhinaca baraarujinta  waddaniyada iyo dal jacaylka.

Halkan Hoose Ka Daawo Khudbada Abwaan Musharax Laabsaalax Saaka Ka Jeediyey Madasha.