Qaar ka Mida Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa Xukuumadda JSL ka Codsaday in la Soo Gaadhsiiyo Lacagta Shilling-ka Somliland.

Sool(HNN):-Qaar ka Mida Shacabka Magaalada Laascaanood ayaa Xukuumadda JSL ka Codsaday in la Soo Gaadhsiiyo Lacagta Shilling-ka Somliland.

Qaar ka mida shacabka magaalada Laascaanood ayaa xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiye madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ka codsaday in la soo gaadhsiiyo shilling-ka Somliland.

Shacabkaas oo la hadlaayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in xiligan ay baahi u qabaan isticmaalka lacagta Shilinka Somaliland, waxa kale oo ay dadweynaha ku nool magaalada Laascaanood baanka dhexe ee JSL Somaliland ka codsadeen in laamaha baanka dhexe ee magaaladaasi ay kaalin ka qaataan sidii shacabka magaaladaas ku nool loo soo gaadhsiin lahaa isticmaalka lacagta dalkooda.

Waxayna dadweynaha magaalada Laascaanood tilmaameen muhiimada ay u leedahay bulshada gobolkaas isticmaalka lacagta Shiling-ka Somaliland, oo ay xuseen inuu door wayn ka qaadanayo sicir-bararka dhanka maceeshada ka jira gobolkaas, iyagoo sarifleyaasha gobolkaasna u soo jeediyay inay doorkooda ka qaataan sidii hirgalinta isticmaalka lacagta Somaliland.