Hargeysa:- Barnaamijka Afurkalkaal oo 50 Qoys oo Kamid ah Qoysaska Danyat ah ee Ku Nool Magaalada Hargeysa Loogu Qeybiyay Raashin ay Kaga Baxaan Bisha Ramadaan.

Hageysa(GNN)-Barnaamijkan Afurkalaal ee Raashinkan loogu Qeybiyay Qoysaska danyarta ah oo ay iska Kaashadeen Aqoonayahan, iskood isku abaabulay, oo Kamid ah Dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Gudaha Dalka iyo Dibadiisaba ku Sugan ayaa Maanta u Qeybiyay 50 qoys oo Kamid ah Fanyarta Ku Nool Caasimada Hargeysa, Raashin Ku Filan oo Loogu talagaley in ay Ka baxaan Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Qoysaska loo Qeybiyay Raashinkan, oo u Badannkuwa aan Awoodin in ay Dabka Shitaan, ayaa siweyn uga mahad Celiyay Raashinka ay Soo gaadhsiiyeen Dhalinyarada Afurkalkaal iyadoo ku tagalku yahey in la gaadhsiin Doono, ilaa 1000 Qoys oo Danyar ah mudada lagu Gudajiro Bisha barakaysan ee Ramadaan, Iyadoo ay Maanta bilaw u aheyd 50 Qoys oo Danyarta kamid ah Ialamarkaana, ay Kaalmadani ka daboolayso kaalin Muhiim ah oo ay Baahi Weyn u Qabeen kadib Marka loo Fiiriyo sida ay ugu Farxeen Raadhinkaasi Caawimada ah ee Loo qeybiyay.

Waxa kale oo Deeqdani, ay Kaalinta Xasanaadka u galaysaa dhalinyardaa aqoonyahanka ah ee Afurkalkaal oo iyagu si iskood ah isku Xilqaamay in ay Bisha Barakaysan ee Ramadaan Gaadhsiiyaan 1000 Qoys oo Kamid ah Bulshada Danyarta ah ee aan Awoodin in ay Raadhin intaa leeg Soo iibsadaan.

 

Gabiley.net