Dhaqaalaha Ku Baxaya Doorashada Somaliland Oo Wakhtigan Ah Lacagta Cashuur Bixiyayaasha Muwaadiniinta Jsl.

Hargeisa(GNN):-Somaliland oo wakhtigan galaysa doorashada goleyaasha Wakiilada iyo goleyaasha Deegaanka Degmooyinka ayaa wakhtigan dhaqaalaha ku baxayaa uu yahay mid ka duwan sidii hore, waxaa hore somaliland uga taageeri jiray dhammaanba dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka somaliland beesha Caalamka oo ku bixin jiray guud ahaan dakhliga Doorashooyinkii hore uga qabsoomay Somaliland.

Sanadkan 2021 oo ay ka qabsoomayaan doorashada Labadaa gole ee wakiilada iyo deegaanku ayaa xukuumada Madaxweyne Muuse biixi cabdi ay hadda ugu talo gashay in qabsoomida doorashadaa dhaqaalaha ku baxayaa uu noqdo mid ay kafayso Xukuumada Somaliland.

Waxaana Lacagtan ku baxaysa doorashada inta ugu badani tahay Cashuurtii laga qaaday muwaadiniinta somaliland, taas oo la odhan karo somaliland waxay hiigsanaysaa isku filaansho ay kagaga maaranto gacmo shisheeye iyo dawlado farogalin ama ku maamula doorashada qabsoomaysa.

Lacagta Badi oo ah $15.8 Milyan Waxay noqonaysaa Lacagta cashuurta ee ay bixiyeen muwaadiniinta somaliland.

halka Dawada reer galbeedka ee EU ay ku bixinayaan iyaguna lacag dhan $ 1 Milyan.

Dawlada Taiwan Oo dhawaan ay xidhiidh dhow sameysteen somaliland ayaa iyaduna ku bixinaysa lacag dhan $ 2 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa Ka dambaysay kadib markii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu sannadkii hore u sheegay dhammanba dawladaha shisheeye in aaney habayaraatee wax farogalin ah ku yeelan kari arrimaha doorashooyinka somaliland, taas oo u sheegay in haddii xataa ay wax dhaqaale ah ka taageerayaan taa macnaheedu aaney noqon in lagu maamulo qaabeynta iyo qorshaynta doorashooyinka somaliland.

Go’aankaa kadib Walow xukuumada iyo dawladahaa deeqaha ku caawiya somaliland ay jirtay mar ay isku dhaceen oo meel adag ay gaadhay madaxweynuhu amar ku bixiyey inaaney ka shaqeyn karin dalka, haddana wadahadal iyo isku soo laabasho waxaa laysla qaatay in ay wixii horumar ah kala shaqeeyaan balse aaney ku bilmin arrimaha doorashooyinka somaliland.

Waxaana Markii dawlada Somaliland u dhaqaaqday arrimaha doorashooyinka oo ay dhaqaalahoodiina diyaariyeen  ay dawladaha Beesha caalamku war saxaafadeed ay soosaartay ku amaantay sida isku filaanshaha ah ee ay arrimihii doorashooyinka somaliland ugu guntatay inay dhinacii dhaqaalaha meel saarto.

Arrintaas ayaa ay Dadka sida dhow ula socoda arrimaha Siyaasada iyo doorashooyinka Somaliland ku tilmaameen in ay tahay dhabahii horumarka iyo dimuquraadiyada oo ay cagta saartay somaliland.