Dood Xasaasiya Oo Dhexmartay Musharaxiinta C,shakuur Cidin iyo Maxamed Dable+Aflagaado Uu Maayir Cidin Kula Kacay Muwaadin Su’aal Waydiiyey.

Berbera(GNN):-Dood Loogu Qabtay magaalada berbera xarunta gobolka saaxil ayaa waxay dhexmartay Labada Musharax ee kala ah maayirka xilka kasii degaya ee degmada berbera C,shakuur cidin, iyo Maxamed Dable oo ku aadanay arrimaha ay u qaban doonaan haddii bulshadu doorasho shanta sano ee soosocota bulshada gobolka saaxil.

Doodan oo bulshada kasoo qayb gashay ayaa ay su’aalo kala duwan ku waydiiyeen labadan musharax ee maayirka tartanka ugu jira.

Waxaana doodani muddo markii ay socotay uu su’aalo kala duwan ku waydiiyey labadan musharax dadkii kasoo qayb galay, iyadoo musharax maayirka degmada berbera C,shakuur cidin uu aflagaado qaawan kula kacay muwaadin waydiiyey su’aal ahayd inuu bulshada u sheego isaga cidda u sharciyeysay dhulka danta guud ee uu guryaha ka dhistay.

Halkan Hoose Ka Daawo Doodan Xasaasiga ah.

Exit mobile version