Sarkaal Ka Tirsan Wasaarada Arrimaha Dibeda Maraykanka oo Ka Falceliyey Qoraal Vila Somalia ay Ka Soosaartay Diyaaradii Hargeisa Keentay Qalabka.

Muqdisho(GNN):-Ambasador Dr Peter Pham oo ah ergay sare oo wasaarada Arimaha dibada Maraykanka shaqooyin badan ka soo qabtay. Ayaa isagoo aad ula  yaaban maanta barta Twitter kiisa ku soo qoray, qoraal uu kagaga falceliyey amarka somalia sheegtay inay ku mabnuucday diyaarada kenya.

Macanaha qoraalka dublamaasigan reer maraykan ayaa noqday mid faallooyinka ay ka bixinayaan dadka arrimaha siyaasada faalleeya ee ku xidhan bartiisu mid ay si isku mid ah ugu wada raaceen aragtidiisa, taas oo ay sheegeen in aaney suurto gal ahayn in dal doorasho ka dhacayso uu dal aan sodonkii sano ee ugu danbeeyey doorasho qabsan uu yidhaa waxaan ka joojiyey diyaarad.

Qoraalka Ambasador Dr Peter Pham Siyaasigan Ka tirsan wasaarada Arrimaha Dibeda dalka Maraykanka ayaa u dhignaa sidan.

“Wax dhici karaa maaha inay dawlada Somalia oo tan iyo 1969 doorasho wadankeeda ka qabsoomin ay mabnuucdo diyaarad agabkii doorashooyinka Somaliland geeysay, taas oo doorashada somaliland ku mudaysan tahay inay ka qabsoonto 31may” 

Ficilada ka soo horjeeda horumarka arrimaha nabada iyo dimuquraadiyada ee ay marwalba ku kacdo dawlada wakhtigeedu dhammaday ee madaxweynihii hore somalia maxamed C,laahi farmaajo ayaa noqonaya kuwo mar walba ceeb iyo fadeexad ku noqoda dalka iyo dawladii federaalka ahayd ee somalia.

Waxaana arrinteeda lagu macneeyey ka masuugid dal Waxqabsaday oo ay jeclaan lahaayeen ragga ka arrimaha villa somalia inay la mid noqoto.