Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha guddida anshaxa iyo xalinta khilaafaadka doorashooyinka, ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, oo uu hoggaaminayay guddoomiyaha guddida Maxamed Axmed Bulxan.
Guddida ayaa guddoomiyaha uga mahad-celiyay kulanka ay la yeesheen, waxaanay niyad wanaag ka muujiyeen in Maxkamadda Sare ee dalku diyaar ula tahay hawlaha shaqo ee u baahan in laga taageero guddida. Geestiisa guddoomiyaha ayaa guddida ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay bulshada u hayaan, waxaanu ku dhiiri-galiyay in ay dhex-dhexaad ka ahaadaan arrimaha doorashada si kalsoonida shacabku u xooganaato, waxaanu ku hambalyeeyay dedaalada ilaa imika ay waddaan.