17 qof oo lagu eedeeyey dilka 300 oo qof oo dil toogasho lagu xukumay, Gaalkacyo.

Galkacayo(GNN):-Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa maanta waxaa xukun lagu riday dad gaarayo illaa 18 qof oo dhamaantood ay ah rag, kadib dambiyo culus oo lagu helay.

Sida ay maxkamadda ciidamada qalbka sida ee Mudug ku dhawaaqday, 17 kamid ah raggaan ayaa waxaa lagu xukumay dil toogasho ah halka qofka sideed iyo tobanaad lagu xukumay xabsi daa’in.

Ragga xukunka lagu riday ayaa lagu soo eedeeyey inay dad gaarayo ilaa 300 qof ku dileen magaalada Gaalkacyo iyo qeybo kala duwan oo ka tirsan deegaanada Maamulka Puntland.

Dadka lagu soo eedeeyey inay laayeen ayaa waxay isugu jireyn xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano.

Ragga xukunka lagu riday ayaa la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab isla markaasna ay u qaabilsanayeen dilalka iyo qaraxyada laga geysto gudaha deegaanada Maamulka Puntland .

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al-Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ee Caasimadda Mudug ayaa waxay muddooyinkii ugu dambeeyey marti gelineysay dilal iyo qaraxyo qursheysan.

Xukunka lagu riday 18-kaan qof ayaa noqonayo tiradii ugu badneyd ee dil toogasho ah lagu xukumo mar qura taariikhda maamul Goboleedka Puntland