Wiil Jidh Dil Loogu Gaystay Magaalada Borama Dhaliil Uu Baraha Bulshada Kagaga Baahiyey Wasiir Kamida Xukuumada Somaliland

Borama(GNN):-Warar kala duwan oo ay heshay shabakada Hadhwadaag News ayaa u xaqiijiyey in jidh dilka loo gaystay wiilkan ay ka danbeeyeen dhalinyar uu usoo diray wasiirka wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed,

wiilkan oo lagu magacaabo C,risaaq gorayo ayaa dhaawacan loogu gaystay magaalada Borama xarunta gobolka Awdal, waxaana sida uu ku baahiyey baraha bulshada uu dadka u sheegay inay ka danbeeyeen dhaawacyadaa culculus ee loo gaystay dhalinyar faashash iyo budhadh sidata, taas oo ay ku bilaabeen inta ay ku sugeen goobtii uu u marayey guriga uu ka degan yahay magaalada borama, waxaanu intaa ku daray in dhalinyartan loo soo adeegsaday oo afka iyo madaxa duubtay ay ku dhawaaqayeen markii ay jidh dilayeen “Maad ka bixi afaaraha wasiirka beeraha Axmed muumin Seed, maad ka bixi mise naftaan kaa jarnaa,” wuxuu sheegay in markii dhaawacyadan kala duwan ay ka gaadhsiiyeen qabo badan oo jidhkiisa ah oo ay ugu daran tahay wajigu ay mayd ahaan uga tageen iyagoo ku caytamaya maxaa wasiir kayaga kugu diray hooyadaa wase.

Falkan foosha xun ee ka dhacay magaalada borama ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee lagu arko guud ahaan somaliland kaas oo ay naadir tahay in Masuul dawlada ka tirsan oo xil bulshada u hayaa uu muwaadin ku dhaliilay baraha bulshada uu kula kaco dhibaato intan leeg islamarkaana uu u adeegsado shufto dhaawacyo kala duwan u gaysta, warkan oo lagu daabacay shabakada Hadhwadaagnews sidan.

Wasiirka wasaarada beeraha somaliland oo qaar kamida warbaahinta xarunta gobolka awdal ay arrintan lagu eedaynayo wax ka waydiiso, telefoonka ay kala xidhiidhay ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday islamarkaana uu ku dhegaystay telefoonka wariyeyaashan oo markii ay isku sheegeen uu ku dhigay telefoonkiisa gacanta.

Dhacdadan ayaa noqonaysa mid sababta isku dhac bulsho oo horseed u noqota in ay dalka somaliland oo aaney talaabooyin noocan ahi hore uga dhici jirin ay in badan oo dadka aan aqliga u saaxiibka ahayni ku haligaan nafo badan oo bulshada reer somaliland.

Wiilkan dhaawacyada loo gaystay oo aanu kala xidhiidhnay khadka internetka aananu waydiinay sababaha keenay in dhaawacyada intan leeg loogu gaysto dhaliilo uu baraha bulshada kagaga baaahiyey wasiirka, iyo in ay jirto wax aan bulshadu ogayn oo ka qarsooni ayaa u sheegay warbaahin in aaney habayaraatee wax kale oo ka dhexeeya wasiirka beeraha somaliland axmed Muumin seed balse kaliya ay sababtay in dhaawacyadaasi loo gaysto kadib markii uu bartiisa facebook ku baahiyey dhaliil uu wasiirku dhibsaday.

La Soco Wixii Warar ah ee Kasoo kordha Arrintaasi.

Xigasho Shabakada Wararka ee  Hadhwadaagnews.com

 

Exit mobile version