Bandhiga Carwada Buugaagta Hargeisa International Book Fair Ayaa Caawa Lagu Maritaaqay Oo Ka Jeediyey Qorsha Horumarinta Magaalooyinka Maayirada Hargeisa iyo Gabiley.

Hargeisa(GNN):-Bandhiga carwada Buugaagta hargeisa oo ka bilaabantay caasimada jsl maalintii shalay ayaa waxaa caawa marti ku ahaa oo halkaa ka jeediyey qorsheyaal kala duwan maayirada magaalooyinka hargeisa iyo Gabiley, iyadoo halkaas ay bulshada qaar su’aalo koobkooban ku waydiiyeen.

Maayirka Caasimada Hargeisa Mudane C,kariin Axmed Mooge Ayaa Halkaa Ka jeediyey hadal u badnaa qorshaha waxqabad ee ay doonayaan golaha deegaanka caasimada hargeisa sidii ay u hirgalin lahaayeen bilicdii wanaagsaneyd ee ay bulshada hore ugu sheegeen, waxaaanu sheegay in talaabooyinkii ilaa hadda ay qaadeen ay kasoo baxeen natiijooyin wax ku ool ah taas oo uu ku amaanay shacabka caasimada hargeisa ee barbartaaggay haddii ay tahay nadiifintii dooxa weyn ee hargeisa oo qashin buux dhaafiyey iyo imika oo ay bilaabeen furista wadooyinka iyo dayactiroonka kuwaas oo aan hore u lahayn goobo biyo mareen ah ama diriinayjis.

Dhinaciisa isaguna Maayirka Magaalada Gabiley mudane Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa halkaa ka jeediyey Khudbad Nuxurkeedu u badnaa qaabeynta iyo qorsheynta magaalada uu maayirka ka yahay haddii ay tahay dhinac bilicda magaalada gabiley iyo fiditaanka magaalooyinka oo si xawliya uga socoda dalka.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka iyo Nuxurka Khudbada Labada Maayir.