Dawlada Djibouti Oo Ciidamo iyo Gaadiid Dagaal oo Tiro Badan Gaysay Xuduuda Ay La Wadaagto Dalka Itoobiya.

Addisababa(GNN):-Xaalada Dagaalka ka socoda dalka itoobiya oo maraya meel xasaasiya ayaa maalintii shalay ilaa maanta ay dawlada jabuuti ciidamo tiro badan iyo gaadiid dagaal kusii daabulaysa xadka ay la wadaagto dawlada itoobiya.

Gaadiidkan dagaalku waa ciidamadii Jabuuti oo ku socda xadka ay la wadaadaan Itoobiya gaar ahaan dhinaca soomaalidu ka deggen tahay ee khadka tareenku maro. Ciidamadani dabcan maaha kuwo u socda dagaalka gudaha Itoobiya oo hadda soo gaadhay degaanka Canfarta oo inta ugu badani ay dhawaan u gacan gashay Ciidamada Tigrayga oo sheegay in ay soo dhawayn diiran kala kulmeen dadwaynaha Canfarta.
Ciidamada Difaaca Tigray ayaa ku taamaya in ay qabsadaan goobo muhiim ah sida Mille oo degaanka Canfarta ah taas oo hadii ay qabsadaan markaa xaaladda Addis Ababa wax badan ka bedeli karta marka ay ka go’doonta Dekedda Jabuuti oo 90% ay wax u soo maraan.
Hadaba in kasta oo aan ilaa hadda la xaqiijin wax abaabul dagaal ah oo ka socda inta ku dhaw xadka Jabuuti hadana waxa werwerka ugu wayn laga qabi karaan abaabulka qoomiyadda Canfarta ee Ciidanka Tigraygu ka wado degaankooda iyo ujeedada ka dambaysa oo aan hubin in ay ku eg tahay dagaalka gudaha Itoobiya oo keliya.
Taas ayaa qasabaysa in Dawladda Jabuuti ay Ciidankeeda geliso heegan buuxa.
Madaxwayne Ismaciil Cumar ayaa hore ugu xaqiijiyay RW Abye Ahmed in Jabuuti ay taageersan tahay weerarkii Ciidamada Dawladda Itoobiya iyo kuwa Calatariya ay ku qadeen Gobolka Tigray iyadoo shakhsiyaad muhiim ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Tigray oo ka qabqabatay gudaha magaalada Jabuuti oo ay ku sugnaayeen muddo ka hor intii aan dagaalku bilaabmin.
May be an image of outdoors
May be an image of 1 person, military uniform and outdoors