Dhacdooyinka-‘Waxa Uu Waraabiye Ka Yahay Dhirta Wasaarada beeraha Isagoo Bartay Culuunta Beeraha Halka Wasiirkiisu aanu Aqoontaa Lahayn!.

Hargeisa(GNN):-Dhacdooyinka Nolosha ku lamaan ayey kamid yihiin in marmarka qaarkood la arko arrimo dadka badankiisu uu aad ula tacajabo, muwaadinkani waxaa uu kamid yahay da’yartii wakhtigii dawladii hore jamhuuriyada somalia laysku odhan jiray wax ku bartay isagoo markaa ka baxay jaamacadihii dalka ee bixin jiray culuunta kala duwan haddase noloshiisu waa sidee.?

Waxaa uu ka baxay Kuliyaddii Beeraha ee Jaamacaddii Ummadda soomaaliyeed, isagoo ka qaatey darajada heerka 1’aad ee jaamacadda 40-sano ka hor.

Balse waxaa uu haatan waraabiyaa dhirta Wasaaradda Beeraha Somaliland oo uu Wasiir ka yahay mas’uul aan baran cilmiga Beeraha.

Wasiir Axmed Muumin Seed oo kamida siyaasiyiinta reer somaliland wakhtigana ah masuulka ugu sareeya ayaa ah Shaqsi aan lahayn aqoonta cilmiga beeraha islamarkaana hore aan uga soo shaqeyn shaqada wasaarada beeraha somaliland balse arrimaha siyaasadeed ee ka jira dalka somaliland waxay u sahleen inuu noqodo wasiirka wasaarada beeraha jamhuuriyada somaliland, dhibta ugu weyn ee sababta u ah ayaa in aan wali aaney ka gudbin xukuumada somaliland nidaamka qabaliga ah ee lagu qaybiyo kuraasta iyo xilalka mansabyada dawliga ah, taas ayaana ah sababta ay meesha uga baxday in lagu xusho aqoonta iyo khibarada qofkastaa uu leeyahay, taasina waata sahashay in muwaadinka bartay culuunta beeraha somaliland uu waraabiye oo kamida shaqada shaqaalaha ugu hooseeya wasaarada beeraha somaliland kamid noqdo.

Arrintan Ayaa dadka aaraada ama aragtiyaha kala duwan ka dhiibtay ku tilmaameen inay kamid tahay dhibaatooyinka nolosha ku lamaan ee ay ina dhaxal siisay hagardaamooyinka qabyaaladu.

Exit mobile version