Hogaanka ururka Qareenada Somaliland oo kulan La Qaatay Madaxda Hay’ada Ururada Aan Dawliga ahayn ee Sonsaf.

Hargeisa(GNN):-Hogaanka ururka qareenada somaliland ee magacooda loo soo gaabiyo(solla) oo uu hogaaminayo Gud/xigeenka ururka Garyaqaan  mukhtaar daahir jibriir ,iyo Xoghayaha guud ee ururka qareenada jsl Garyaqaan Xuseen Maxamuud Fadal  iyo gudomiyaha gudi hoosaadka xidhiidhka iyo wacyi galinta ururka qareenada garyaqaan Daahir Maxamed faarax ciyaale ayaa maanta kulan muhiima kula yeeshey xafiiskiisa gudoomiyaha dalada ururada aan dawliga ahayn ee sonsaf Mudane Anwar C,raxmaan, Kulankan oo qaatay saacado ayaa muhiimadiisu ahayd sidii loo dardargalin lahaa hawlaha iskaashi Hay’ada ururada aan dawliga ahayd ee sonsaf iyo ururka qareenada somaliland oo wada shaqeyn toos ah leh.

kulankaasi oo daarnaa dardargalinta iyo xoojinta xidhiidhka wada shaqeyneyd ee kadhexeeya labada dhinac maadaama ururka qareenadu Somaliland  uu xubin ka yahey dalada Sonsaf,

Ururka Qareenada Somaliland ee solla oo ka duulaya kor u qaadista iyo kobcinta sharciyaqaano si madax banaan  oo xirfad iyo aqoon leh u  difaaca uguna adeega bulshada somaliland ayaa mudoonyinkii u dambeeyey wadday qorsheyaal door ah oo lagu xoojinayo  Shaqooyinka ururka qareenada somaliland.

Waxaana kulankaasi oo ku dhamaaday guul.

 

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network.