Hargeysa (GabileyNews)- Super Transportation and Logistics oo ah shirkad cusub oo nidaam casri ah ku soo kordhisay Adeegyada Socdaalka iyo qaadista Alaabooyinka ee isaga goosha gobollada Somaliland iyo dalalka Deriska, ayaa maanta lagu daah-furay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Munaasibadda daah-furka Shirkadda oo si meeqaam sare leh loo soo agaasimay, ayaa ku qabsoontay Hotel Maansoor ee Hargeysa, waxaana ka qayb-galay Maamulka sare ee shirkadda, Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaanno, madax-dhaqameed, ganacsato iyo Marti-sharaf kale.
“Shirkaddan SUPER Transportation waxay kaga duwan tahay Shirkadaha kale, waxay ku shaqeynaysaa hab Online ah, markaa isaga oo gurigiisa joogaa ayaa waxa uu Booking-gareysanayaa Tigidhka uu ku baxayo, iyo weliba alaabta uu dirayo iyo adeegyo kale oo tirro baddan, isaga oo qofku la soconayo kolba halka ay mareyso alaabtiisu”. Ayuu yidhi Maxamuud Aw Ciise Jaamac.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Maamulaha Isu-xidhka Gaadiidka shirkadda ee u kala gooshaya gobollada Bari ee dalka Maamul-goboleedka Punland Axmed Maxamed Saleebaan, ayaa ka sheekeeyey qaabka ay shaqadu uga hawl-galidoonaan isaga oo dhinaca kalena tilmaamay arrimahan soo socda.
Cabdullaahi Balaaki oo ka mid ahaa Mudanayaashii hore ee Golaha Wakiillada Somaliland oo Xafladaasi ka hadlay ayaa maalgashadeyaasha shirkadda ku bogaadiyey adeegyada Casriga ah ee ay dheer yihiin shirkadihii suuqa ugu jiray bulshada u qaban jireen inay Shaqo-abuur hor leh u sameeyaan Dhalinyarada dalka.
Mujaahid Aadan-Ruush oo ka tirsanaa Ururkii SNM isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa saamilleyda shirkadda iyo maamulkeeda-ba ku boorriyey inay ka fogaadaan wax kasta oo khilaaf ku keeni kara shaqada shikadda. waxa uu Mujaahidku ganacsatada dalka kula taliyey inaanay Jawaanno bariis ah dibadda ka soo waaridin,balse ay dalkooda maal-gashadaan oo wershado ka hir-geliyaan waddanka.
Shirkadda Super Transport and Logistics oo xafiisyo ku leh gobollada Dalka iyo waddamada Deriska, ayaa sida maamulka shirkaddu sheegay, adeeggoodu kaga duwan yahay shirkadaha hore uga jiray dalka inay ku shaqaynayso Hab Online ah oo macaamiishu ku dalbanayaan tigidhooda. Waxa kale oo shikaddu hirgelisay nidaam GPRS oo lagu soconayo laguna kaantaroolayo xawaaraha Gaadiidka si loo sugo bad-qabka dadka iyo Gaadiidka. Habkan ayaa sidoo kale fududaynaya inay dadku si toos ah ula socdaan Alaabooyinka ay u dirayaan gobollada dalka.