Ka Ganacsiga Mucaawinooyinka Hay’aduhu ugu Deeqaan Dadka dhibaataysan iyo Doorka ay Ku leedahay Wasaarada Caafimaadka Jsl.

Hargeisa(GNN):-war inaguma seegana dhibaatada iyo duruufaha nololeed ee haysta  badi dadkeena meelkasta oo ay ku filiqsan yihiin, sidoo kale waxaa iyana aan caad inaga saarnayn xaalada adag ee ay habeen iyo maalin gaadhka ugu jiraan ciidamada kala duwan difaaca dalka.

Inagoo ka warqabna arrimahaasi haddana waxaa barbar socoda falal aan indhaha laga qarsan karin.

Dawladaha shisheeye ayaa inta badan mucaawinooyin kala duwan so gaadhsiiya dalalka dhaqaale ahaan aad u liita iyo meelaha ay ka jiraan macluusha iyo gaajada ay sababaan abaaruhu,

Dalka Somaliland oo kamida wadamada mucaawinooyinka ka hela dawladaha shisheeye ayaa waxaa sanadihii ugu danbeeyey kusoo badanaya marba marka ka danbeysa ka ganacsiga mucaawinooyinkaasi, iyadoo ay wax caadi loo kala iibsado ka noqodeen suuqyada iyo magaalooyinka dalka.

Hay’ada unicef ayaa so gaadhsiisa sanad kasta mucaawinooyin kala gadisan Wasaarada horumarinta caafimaadka jsl oo uu ugu horeeyo nafaqada loo yaqaan RUTF oo ah buskud ka kooban cuntooyin fiitamiino waxtar u leh caruurta yaryar iyo dadka ay so waajahaan abaaraha iyo duruufaha nololeed ee dhaxalsiiya nafoqo darada iyo dhimashada, nasiib darose waxaa hadda laga dhigay mid laga ganacsado oo dhaqaale badani uu kasoo galo dadkii loogu talo galay inay gaadhsiiyaan bulshada tabaalaysan iyo cidii u baahan iyadoo lagu xidhaynin lacag.

Suuqyada magaalooyinka somaliland gobol iyo degmo kasta waxaa ugu tagaysaa tukaamada iyo meheradaha ganacsiga iyagoo lagu gadayo ama lagu iibinayo raashin iyo nafaqooyinkan mucaawinooyin ah  oo ay mabnuuc ka tahay in laga ganacsado ama lasii iibiyo.

Buskudkan oo dadkeenu u yaqaanaan Buskud dhiiq ayaa ah mid loogu talo galay in la gaadhsiiyo xanaanooyinka iyo goobaha waxbarasho ee ka baxsan magaalooyinka sida tuulooyin iyo goobaha ay ka jiraan baahiyaha kala duwani.

Wasaarada caafimaadka oo ay hay’ada unicef so gaadhsiiso mucaawinadan ayaa iyaduna ku wareejisa una qaybisa xanaanooyinka kala duwan ee dalka si loo gaadhsiiyo dadka loogu talo galay.

Danbiyada lagu talaabsaday ayaa ah in mucaawinooyinkii bulshada u baahan loogu deeqay lagu so daayo suuqyada iyadoo laga iibinayo bakhaarada iyo meherada yaryar oo kasii gada dadka.

Waxay ahayd dhawaan markii aan is kadis ah ugula kulmay magaalada hargeisa meherad ku taalo nin sita karaatoon uu ku jirto buskud dhiiqani oo ay ku murmayaan qofkii meherada haystay qiimaha ay ku kala iibsanayan halkii kartoon waxaanu u sheegay ninka iibinayey inuu ka siinayo kartoonkiiba $35 doolar halka qofkii meherada lahaana uu taagnaa inuu kagaga gado $30 dollar, waxaana ay sidaa ku kala iibsadeen ilaa shan kartoon oo uu midkiiba kagaga iibiyey $30.

kadib baadhitaan qaatay maalmo badan oo la xidhiidha dabagalka arrinta xaqiijinteeda ayaanu ku ogaanay in sanadihii ugu danbeeyey ay wax iska caadiya ka noqotay somaliland ka ganacsiga mucaawinooyinka laga musuqmaasuqay dadkii loogu talo galay.

Wasaarada Horumarinta Caafimaadka somaliland marka laga bilaabo agaasimaha guud ee wasaarada iyo shaqaalaha ka hooseeya ee ku shaqada leh arrintan ayaa dadka qaar ku tilmaameen in ay wax ka ogyihiin islamarkaana ay jirto shabakad xidhiidhsan oo ilaa xanaanooyinka degmooyinka iyo istoodhada la dhigo raashinkaasi ay yihiin kuwo ay qayb ka yihiin masuuliyiin iyo shaqaale hoosaad kamid ah wasaaradaasi.

Waxaana arrintan ku sifeeyeen bulshadu haddii ay masuuliyiinta wasaaradu wax ka qabanayaan arrintan in ay wakhti hore wax ka qaban lahaayeen, taas bedelkeedana ay wasaarada lafteedu ogoshahay falalkaasi ka baxsan nidaamka dawliga iyo dadnimada.

Hore waxaa wasaarada caafimaadka somaliland loogu eedeeyey in suuqa lagu iibinayey bilowgii xanuunka covid19 agab iyo facemaska ama afgashiga laga xidho xanuunkaasi oo hore ay ganacsatada reer somaliland ugu deeqeen boqolaal kun oo lagu wareejiyey wasaarada caafimaadka somaliland.

Waxaana arrintani lamid noqonaysaa uun ka ganacsigaa ay wasaaradu ogoshahay in suuqa lagu gado mucaawinooyinkii loogu talo galay bulshada.

marka hoos loogu daadago waxaan war inagu seeganeyn xaaladaha kala duwan ee ay ku shaqeeyaan ciidamada somaliland ee habeen iyo maalin u taagan sugida amniga kuwaas oo haddii mucaawinooyinka la musuqmaasuqayo lagu wareejiyo ciidamada somaliland waxweyn ka tari lahaa.