Somaliland oo Saaxiibbada Beesha Caalamka u caddeysay Sababta keentay Go’aanka Laascaanood lagaga mastaafuriyey Muwaadiniinta Soomaaliya

Nairobi (GNN)- Wefti sare oo ka kooban wasiirro iyo masuuliyiin xukuumadda Somaliland ka tirsan, ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya kulan kula yeeshay Wakiillo ka socda saaxiibbada beesha Caalamka ee taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland.

Weftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Ciise Keyd oo ay weheliyaan Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire iyo Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan wada-hadallada Soomaaliya Dr Edna Aadan oo Arbacadii toddobaadkan socdaal ku tagay magaalada Nairobi, ayaa maanta la kulmay Wakiillo ka socday beesha caalamka oo kala ah Denmark, Midowga Yurub, Finland, Germany, Netherlands, Sweden, Boqortooyada Ingriiiska iyo Maraykanka.

Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah iyo Horumarinta ee Safaaradda Somaliland ku leedahay Nairobi, Ismaaciil Shirwac, ayaa war-murtiyeed uu ka soo saaray ku faahfaahiyey arrimaha ay ka wada-hadleen weftiga Somaliland iyo Beesha Caalamka, waxaanu sheegay in kulanku qayb ka yahay Barnaamijka Sanduuqa Horumarinta Somaliland, kaas oo weftigu warbixinno ka siinayeen beesha caalamka geeddi-socodka horumarka iyo isbeddellada ay xukuumadda Somaliland ku tallaabsatay.

“Weftigu waxa kale oo ay u caddeeyeen sida ay uga go’an tahay Somaliland inay sii xoojiso hannaanka dimuqraadiyadda iyo qabashada doorashooyin xor iyo xalaal ah,” sidaas ayuu sheegay Ismaaciil Shirwac.

Si aad u akhrisato Warkan oo Faahfaahsan iyo Mowqifka Somaliland u gudbisay Beesha Caalamka Guji Sawirka Hoose