“Waxaan Qirayaa In Maxamed Kaahin Munaasib Yahay In Lagu Wareejiyo Xisbiga Kulmiye Tacab Badana Uu Soo galiyey Qaran, Laakiin Beeshu Way Ka Tashatay Kulmiye”…..Boqor Cismaan Buurmadow

Hargeisa(GNN):-Boqor Cismaan Aw maxamuud buurtmadow oo kamid madaxda dhaqanka islamarkaana ah Boqorka beesha Barriga burco ayaa waraysi uu bixiyey kagaga warramay arrimo siyaasadeed oo ay ugu horeyso, hadalhaynta madaxweynaha jamhuuriyada somaliland mudane muuse biixi doonayo in wakhtigan uu gudoomiynimada xisbiga kulmiye ku wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha islamarkaana ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga kulmiye, taas oo xogta warkani ay dibeda usoo baxday markii xalay ilaa maanta uu kulamo kala duwan kula qaatay waxgaradka siyaasiyiinta, aqoonyahan iyo madax dhaqameedka beesha habar jeclo.

Boqor cismaan aw maxamuud Buurmadow ayaa soo dhaweeyey in gudoomiyenimada xisbiga Lagu Wareejiyo Wasiir maxamed Kaahin Axmed Taas oo uu sheegay in uu qirayo in Maxamed Kaahin Axmed uu tacab badan soo galiyey dalka islamarkaana uu 30 sano kasoo shaqeynayey dhismaha qarankan, waxaana uu sii raaciyey in beesha uu kasoo jeedo wasiirku ee uu boqorka u yahay aaney wakhti xaadirkan usoo jeedin dhismaha xisbiga kulmiye iyo in ay tacab danbe galiyaan, isagoo hadalkiisa kusoo gabogabeeyey inay talo isugu noqonayaan ka beel ahaan.

Halkan Hoose Ka Dhegayso Waraysiga Boqor Buurmadow.