Horn Heritage oo Somaliland ka hirgelisay Dugsi lagu baranayo Aataarta Qadiimiga ah, Laasgeel-na u samaysay Matxaf Online

Hargeysa (GNN)- Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) ayaa markii ugu horeysay daah-furtay Matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka oo mabda’iisu yahay uruurinta iyo ilaalinta Aasaarta qadiimiga ah, dhaqanka, xirfadaha, kal-tiriska, iyo teknoolajiyadda ay soo hindiseen umadda Geeska Afrika muddo qarniyo taxan.

Matxafkan casriga ah ayaa ah Xarun wax lagu kaydiyo hidaha iyo dhaxalka dhaqanka Gees-ka Africa (Somaliland, Ethiopia, Soomaaliya, Kenya iyo Djibouti). Waxa 3D dhijitaalka goobaha ka soo qaaday khuburro isugu jira reer Somaliland iyo khuburro caalami ah. Hay’adda Dhaxalka Geeska waxay tabbobartay khuburro deeganka ah. Sidoo kale matxafka waxa iska kaashaday dhisidiisa Somaliland khubaradeeda dhigitaalka.

Ururka Horn Heritage Organization waxa u suurto-gashay inuu noqdo ururkii ugu horeeyay ee Laas-Geel ka dhiga dhijjitaal sannadkii 2013, noqdana ururkii ugu horeeyey ee Somaliland ka dhisa matxafka foogaan Araga ee dhijitaalka ee Somaliland iyo Geeska Afrika.

HALKAN HOOSE KU DHUFO OO DAAWO SIDA LOO DHIJITAAL-GAREYNAYO LAAS GEEL

3D Scanning of Somaliland rock Art

Matxafka www.hornheritage.org  daawo iyadoo tirii dhii (3D) oo dhijitaal ah, wax-na ka baro koorasyada ah dhijitaal-ka ee dhaxal-dhaqameedka iyo bad-baadinta goobaha qadiimiga ah ee Geeska Africa deegaanadda Soomaalidda oo dhan. Fahan muhiimadda taariikhda Islaamka ee dhulkan iyo dhaqamadii hore ee jiri-jiray.

HALKAN HOOSE KA DAAWO AASAARTA QADIIMIGA EE SOMALILAND OO LOO BEDELAYO QAAB DHIJITAAL AH (MATXAF ONLINE AH)

https://www.hornheritage.org/3d-scanning-of-somaliland-rock-art/

Aasaaska Dugsiga Aasaarta Qadiimiga ee Somaliland

Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization),waxay Somaliland ka dhistay Iskuulka Aasaarta qadiimiga ee Somaliland, caasimada Hargeisa, kaas oo lagu baran doono International MOOC  ‘Massive Open Online Course ‘Heritage under Threat’, sida dhijitalka teknolojiga dhaxalka dhaqanka loogu is-ticmaalo bad-baadintiisa, ilaalintiisa iyo sawiridiisa, iyo koorasyo kale oo la xidhiidha Aasaarta qadiimiga.

“Iskuulku wuxuu labeeyaa Matxafka dhijitaalka ah oo lagu baranayaa koorasyo caalamiya oo dhijitaal ah. Xirfad dhaqameedka Geeska Africa iyo farshaxan, dhalaalida Birta, Sameynta Dhoobada iyo qaab-dhismeedka hoy-dhaqameedka. Sidaa darteed, dhijitaalku wuxuu soo bandhigayaa iyagoo galaya qol-qol ama kor duulaya sida tirii dhii (3D Virtual Tour) oo tilifoonkay ka daawanayaan. Wacyi-gelinta iyo bad-baadintana halkaa ayey ka qayb-qaadanayaan”.Ayey tidhi Guddoomiyaha Hay’adda Horn Heritage, Dr. Sada Mire.

Iyada oo hadalkeeda sii watana waxay yidhi “Cilmiga matxafka fogaan Araga ayaa lagu baranayaa iskuulka Aasaarta. Somaliland madxafkeeda qaranka ayaa u baahan shaqaale hab cilmiyeysan wax loo baro, si ay u hagaan dal-xiisayaasha. Hay’ada dhaxalka Geesku (Horn Heritage) waa hay’adii ugu horeysay ee tababarta shaqaalaha ka shaqeeya dal-xiisayaasha”

Xeerka Somaliland ee Dhaxalka Dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga:

Hay’adda Dhaxalka Geeska (Horn Heritage Organization) oo kaashanaysa Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland ayaa sameysay diyaarinta iyo dhameystirka xeerka Somaliland ee dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga.

Madaxa hay’adda dhaxalka Geeska, (Horn Heritage Organisation) Dr. Sada Mire, ayaa sheegtay inay Somaliland leedahay Xeerka dunidda ugu casriyaysan ee Aasaarta Qadiimiga, waxaanay tidhi “Xeerkani waa xeerkii ugu horeeyay ee dhaxalka dhaqanka ee Aasaarta qaadimiga Somaliland loo sameeyo. Ingiriisku (British) xitaa muu sameyn xeer arrimahan khuseeya. Jamuuriyadda Soomaaliya weligeed xeerka dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta iyo Matxafka midna weligeed may yeelan. Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland iyadoo kaashanaysa ayey hay’ada dhaxalka Geeska (Horn Heritage) ayay Xeerkan u sameysay oo  Somaliland ayaa maanta leh xeerka xeerarka dunidda ugu casriyeysan”

KULAN LAGU GORFEYNAYAY XEERKA BAD-BAADINTA DHAXAL DHAQANKA AASAARTA QADIIMIGA SOMALILAND HALKAN HOOSE KA DAAWO:

Xeerkani oo ilaalinaya dhaxalka Somaliland waxa uu ka kooban-yahay toddoba cutub oo kala ah;

1). Qodobbo hor-dhac ah.

2). Ilaalinta Guud

3). Taallooyin iyo Goobo

4). Farshaxan iyo Walxaha

5). Qodista iyo Daah-furka

6). Hawlo iyo ganaaxyo mamnuuc ah

7). Maamulka sharciga iyo Qodobbada ugu dambeeya. oo ka tarjumaysaa hal-beegyada muhiimka ah ee heshiisyada caalamiga ah ee khuseeya, gaar ahaan heshiiskii 1954 ee Hague iyo hab-maamuuska labaad iyo sidoo kale 1970-kii Axdiga Macnaha mamnuucidda iyo ka hortagga soo-dejinta sharci-darrada ah, dhoofinta iyo wareejinta lahaanshaha Hantida dhaqanka. Xeerkan waxa lagu lafo-guray oo aqoon-is-weydaarsi lagu qabtay bishii August 2021 Magaalada Hargeysa oo ay ka qayb galeen qaybaha cida ay khusayso  oo ay ugu horeyso Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska ee Somaliland, Golaha Baarlamaanka Somaliland (Wakiilada iyo Guurtida), Ciidamada Booliska, Kastamyada, Jaamacadaha,Aqoon-yahanka,Saxaafadda, Dhaqanka, Mac-hadyada,iyo marti-sharaf kale.

Madaxa Hay’ada dhaxalka Geeska (Horn Heritage) Dr. Sada Mire oo ah aqoonyahanad ku takhasustay cilmiga Aasaarta qadiimiga  Somaliland ka shaqeynaysay ilaalintiisa dhaxalka dhaqan ilaa 2007-kii, oo kulankaasi ka hadashay ayaa waxay ka sharaxday qiimaha uu Somaliland ugu fadhiyo xeerka Somaliland ee dhaxalka dhaqanka iyo Aasaarta Qadiimiga iyo sida loogu baahan yahay in la dhaqan-geliyo. Shirkan waxa ka qayb-qaatay oo xeerka qoridiisa kaalin weyn ka qaatay Mr Pascal Bongaard oo ka socda hay’ada Geneva Call iyo Dr Simon Makuzava oo ka socda hay’adda African World Heritage.

“Somaliland Aasaarteeda dad-baa iska qota oo way dayacan tahay, berri iyo xeebba. Markaa xeerkani waa ka hortaga dhibaatadaa iyo wax ka baddan ayuu xukuumadda ka caawinayaa”.Ayey tidhi Dr. Sada Mire.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in dalku qani ku yahay Aasaarta Qadiimiga ah balse aan wali sidii ku haboonayn looga faa’idaysan, waxaanu wasiirku ku baaqay in la sameeyo qorsheyaal wax-ku-ool ah oo caalamka loogu iib-geeyo.

“Waan uga mahad-celinayaa Sada Mire hawsha ay waddo. Asaarta hoddan baynu ku nahay, laakiin ma maalno. Waxaynu u baahannahay inaan iibgeyno,” sidaas waxa yidhi Wasiir Sacad Cali Shire oo bishii May ee sannadkan hadal ka jeediyey munaasibad lagu daah-furay Horn Heritage Digital Museum oo ay aasaastay Drs Sacda Mire oo ah khabiir ku takhasusay aataarta Qadiimiga ah isla markaana qofkii u horreeyey ee caalamka u soo bandhigay Ataarta Qadiimiga ah ee Somaliland qaniga ku tahay.

DAAWO KHUDBADA WASIIR SACAD CALI SHIRE OO KA HADLAYA BADBAADINTA ASAARTA QADIIMIGA:

Munaasibadda lagu daah-furay Horn Heritage Digital Museum oo ah Matxaf Online ah oo lagu keydinayo Aataarta qadiimiga ah ee Somaliland, kaas oo hal-ku-dheggiisu yahay Badbaadinta Aataarta Qadiimiga ah ee Somaliland.

Waxa kale oo dhankooda shirka ka hadlay masuuliyiin ka socday  xukumadda JSL iyo hoggaamiyeyaasha Saddexda Xisbi qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI, oo ku dheeraaday muhiimada xeerkani u leeyahay qaranka iyo ilaalinta Aasaarta Qadiimiga ahi ee ku duugan dhulkeena.

Kulankaas Hargeisa waxa furay Agaasimihii hore  ee Wasaaradda Ganacsiga Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland Md. Cabdirahman Maxamed Maxamuud (Eng. Abdeeq), Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo ka tirsanaa Golihii hore ee Wakiillada Somaliland iyo Wasiirkii hore wasaaradda horumarinta maal-gashiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad).

Horn Heritage Contacts

@hornheritageorg

info@hornheritage.org