Madaxweyne Mustafe Cagjar oo soo bandhigay Xidhiidhka ABIY vs FARMAAJO iyo Qorshaha Dagaalka Itoobiya

Djibouti (GNN)- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Maxamed Cumar (Cagjar), ayaa ka hadlay sababaha ka dambeeya colaadda ka aloosan dalka Itoobiya.

Wuxuu ku dooday in arrinta Soomaalida Itoobiya ay mawqif siyaasadeed oo cad ka qaateen, taasoo uu sheegay in aanay faragelin doonin dagaallada ka socda Itoobiya, ayna difaaci doonaan dhulkooda.