Wajaale-Gaadhi Raashin Dhacay Sida Oo Laga Soo Celiyey Itoobiya Caawa Usoo Talaabiyey Somaliland iyo Khatarta Ka Dhalan Karta.

Wajaale(GNN):-Gaadhi Xamuul ah oo  Siday raashin dhacay oo laga soo celiyay dalka itoobiya mudo laba bilood ku dhowna ku xanibnaa magaalada wajaale, ismaamulka ismaamulka somalida ee dhinaca itoobiya  kaasi oo aynu hore ubaahinayn warbixin aynu kaga hadlayno ayaa caawa canbaaro 11;30habeenimo laga rogay raashinkii dhacay ee saarnaa oo ahaa bariis nooca basmatic ah kaasi oo lagu daabulayo sida muuqaalkan hoose idiinka muuqata gaadhi kale oo waaraada ah laga leeyahay dhinaca Somaliland oo lagu wado in uu usoo gudbiyo raashinkan dhacay kadib markii ay ogalaasho ka heleen maamulka kastamka wasaarada maaliyada ee magaalada wajaale oo iyagu sida xoguhu tibaaxeen dhaafsatay dhaqaale tiro badan.

Raashinkan dhacay ee laga soo celiyay dalka itoobiya ayaa hor uga soo galay itoobiya dhinaca dalka jabuuti balse aan la garanayn sobobta Somaliland u ogolaatay in dalkeeda lasoo galiyo raashin dhacay oo halis ku ah caafimaadka shacabka oo aan markii hore xataa soomarin Somaliland.