Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga Ah Ee Jamhuuriyada Somaliland Dr. Essa Kayd Oo Safar Shaqo Ku Tagay Uk Aya Yidhi ( Aqoonsiga Somaliland Waxa Uu Ku Xidhanyay Dadaalka Qurba Jooga )

Wefigan Oo Marki Hore Socdaalkooda Shaqo Ku Tagay Dalka Maraykanka Aya Halkii kasii Waday Iyaga Oo Aan Ku Eekan kaliya Dalka Maraykanka
Weftigan Uu Hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd& Ergayga Gaarka Ah Ee Jamhuuriyada Somaliland Dr’s Edna Aadan ayaa Kuso Geba-gebeeyey Toddaad kale Oo Guul kuso Dhammaaday Magaalada London Ee Dalka Ingiriiska.
Inti Ay Kusugnaayeen Weftigani Dalka Ingiriiska, Waxa Ay kulamo La Yeesheen Madaxda Ugu sarraysa Dawladda, xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dalkaas, hay’adaha u dooda arrimaha bulshada, qurba-jooga Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska, &ganacsato badan oo danaynaysa inay maalgashadaan Dalkeena Somaliland.
Kulamo iyo munaasibado is-daba-joog ah oo ay ka qayb-galeen Wasiirka iyo Ergeyga gaarka ah, waxay kaga xog-warrameen xaaladihii u dambeeyay ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaan mandaqada Geeska Afrika. Si gaar ah weftigu waxay hoosta ka xariiqeen doorka muuqda ee ay Somaliland ku leedahay nabadda mandaqadda, ganacsiga iyo is-dhexgalka dhaqaalaha, iyo weliba doorka muuqda ee ay ku leedahay adkaynta amniga caalamka.
Munaasibad Kale Oo Uu ka Soo qayb-galay Gavin Williamson, Xoghayihii hore ee Wasaaradda Difaaca iyo Waxbarashada ee Boqortooyada Ingiriiska, Mr. Williamson waxa uu kaga warramay xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland, isagoo ku dheeraaday horumarka dalka ka socda ee dimuqraadiyadda, nabadgelyada iyo horumarka.
( Somaliland waa meel nabad ah oo dadku u shaqo tagi karaan, diintoodana ku socon karaan, waxna ku baran karaan)
Mr. Williamson, oo ah Muddane ka tirsan baarlamaanka oo ku hadlayay magaca kooxda baarlamaanka ee xisbiyada oo dhan, ayaa yidhi Markle
“in lagu faano waxa ay reer Somaliland ku guulaysteen waa wax lagu Faano Waxa aanu balan qaadayna in aanu si qalbi iyo niyad ah ugu dagaalami doono sidii aanu usoo gudbin lahayn doodaha ku saabsan aqoonsiga Somaliland, waxna uga badali lahayeen qorshaha dawladda Ingiriiska”.
Iyada oo UK ay sannadihii u dambeeyay gacan ka gaysanaysay dimuqraadiyadda, doorashooyinka, nabadgelyada iyo kobaca dhaqaalaha Somaliland, labada waddan waxa ka dhexeeya xidhiidh aad u dhow. Ingiriisku waxa uu Somaliland ka caawiyaa dhawr hindise oo horumarineed oo la taaban karo, waxaana ugu muhiimsan ka qayb qaadashada Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF). UK ayaa hadda maalgelinaysa dhismaha jidka Wayn Ee hareer Mara Hargeysa kaas oo keeni doona isku xidhka ganacsiga gobolka iyo gudaha ee muhiimka ah, horumarinta iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha.