Gudida Dabagalka & Ilaalinta Hantida Qaranka Golaha Wakiilada JSL Oo Soo Bandhigay Tirada Macaariishaha La Musuqmaasuqay iyo Kuwa Aan La Fulin.

Hargeisa(GNN):-Gudida Dabagalka iyo Ilaalinta hantida qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo maanta horkeenay kalfadhigii golaha warbixinta kormeeradii iyo u kuurgalkii ay kusoo sameeyeen dhammaanba gobolada dalka somaliland tirada mashaariicaha kala duwan oo loo qorsheeyey in laga hirgaliyo iyo sida ay wax uga fuleen.

Waxaana Warbixin dheer oo golaha wakiilada Somaliland ay maanta ka hor akhriyeen gudidan lagu magacaabo baak oo golaha u qaabilsan dabagalka mashaariicaha iyo ku ilaalinta xukuumada in dakhligii shacabka laga qaaday loogu qabtay mashaariicaha la qorsheeyey in la musuqmaasuqay ayaa soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ka kooban gobol kasta iyo mashaariicihii loo qorsheeyey in ay ka fulaan sanadkii dhammaaday ee 2021 in la fuliyey iyo in kale ayaa gobol gobol u dul istaagay degmo kasta wixii ay kusoo arkeen ee baadhitaankooda uga soo baxay.

Waxaaney Sheegeen oo Nuxurka Warbixintoodu isugu jirtaa.

1- Tirada Mashaariic loo asteeyey in ay fulaan sanadkii 2021 oo aan waxba ka fulin.

2- Musuqmaasuq lagu sameeyey hirgalinta dhismayaal kala duwan oo gobolada loo qorsheeyey in laga fuliyo.

3- Lacago loogu talo galay in lagu fuliyo xarumo caafimaad iyo goob kale oo tiraba ilaa saddex jeer kharashkooda lagu daray miisaaniyada oo aan haddana ilaa hadda fulin.

4- Gobolada Qaarkood oo aan gabi ahaanba lahayn Xafiisyo badhasaab oo dawli ah halka ay qaarkood ku jiraan guryo kiro ah.

5-Tirada Gobol kasta ka fulay mashaariicdii loo asteeyey ee sidii loogu talo galay u fulay.

6- Mashaariico la kala shaxaaday oo aan u fulin sidii loogu talo galay islamarkaana la lunsaday kharashkii loogu talo galay qaybo kamid ah oo la dhisay dhisme tayo ayaan iyo dhaqaale ahaanba lamid ahayn kii hore loogu meelmariyey.

Guud ahaan Warbixinta golaha oo aad u faahfaahsan ayaa isugu jirta inahaasi iyagoo si qotodheer isku dul taagay Gobol kasta iyo Mashaariicdiisa.

Halkan Ka Daawo Warbixinta Gudida Oo Dhamaystiran.

 

Exit mobile version