Muxuu Xidhiidhka Israel ka tari karaa Qadiyadda Aqoonsiga Somaliland? – Ka Bogo Jawaabta Su’aashan iyo Mowqifka Xukuumadda

Hargeysa (GNN)- Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaadday inaanay jirin sabab Jamhuuriyadda Somaliland ka horjoogsanaysa inay xidhiidh diloomaasi la samayso Waddan kasta oo dunida ka mid ah oo uu ka mid yahay dalka ugu awoodda badan quwadaha Milatari ee dalalka Bariga Dhexe.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland u qaabilsan Wada-hadallada Soomaaliya, Dr Edna Aadan Ismaaciil, ayaa waraysi ay siisay telefishan laga leeyahay dalka Israel oo lagu magacaabo I24News, ayaa sheegtay in Somaliland diyaar u tahay inay xidhiidh dibloomaasi la yeelato waddan kasta oo caalamka ka mid ah oo uu ku jiro dalka Israel oo ay xustay inuu ka mid yahay waddamadii ugu horreeyey ee Somaliland ugu hambalyeeyay markii ay madax-bannaanida ka qaadatay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960-kii. 

Jawaabta Su’aasha Ciwaanka warkani xambaarsan yahay iyo Mowqifka Xukuumadda Somaliland ee xidhiidhka Israel, kaga bogo Muuqaalka Hoose oo xog muhiim ah xambaarsan