Ururka Sharciyaqaanada Somaliland Oo Qodobo Muhiima Kasoo Saaray Khilaafka Sharci ee u Dhexeeya Xukuumada, Xisbiyada Mucaaridka iyo Golaha Wakiilada.

Hargeisa(GNN):-Dallada ururka Sharciyaqaanada Somaliland oo maanta xafiiskooda ku Qabtay Shir jaraaid ayaa waxay kasoo saareen lafta gur sharci oo ay ku sameeyeen khilaafkii sharci ee muranka ka dhex dhaliyey xukuumada somaliland ee doonaysa inay furto ururada siyaasada iyo asxaabta mucaaridka iyo qaybo kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada somaliland oo arrintaasi kasoo horjeestay halka ay badhkoodna dacwad u gudbiyeen maxkamada sare ee somaliland.

Haddaba Shirkan jar’aaid ee ay maanta qabteen Ururka Garyaqaanada Somaliland ee Solla ayaa Soo Jeediyey Qodobo Muhiima oo ay Kusoo ururiyeen Tafsiirka iyo Qabyada sharci ee la isku hayo, kaas oo ay kasoo saareen daraasad ay ka sameeyeen muranka sharci waxaana ay kusoo ururiyeen xalka arrintaasi qodobadan hoos ku xusan ee halka ka daawo.

Halkan ka Akhriso Qodobada Ururka Qareenada Somaliland Soosaareen Oo Qoraal ah.