Wakhtiga La Filayo In Maxkamada Dastuuriga Ahi Ku Dhawaaqayso Go’aanka Xeerkii Dhaliyey Muranka Badan ee Kala Qaybiyey Golaha Wakiilada.

Hargeisa(GNN):-Sida aanu ka helnay ilo xog-ogaal ah Waxaa Maalinta Barriya oo Salaasa ah Taariikhduna ku beegan tahay 11/01/2022  ay Maxkamada Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland u fadhiisan doontaa dacwadii dhawaan ay u gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada somaliland oo tiradoodu dhan tahay 48 xildhibaan, dacwadan oo la xidhiidha tafsiirinta xeerka muranka dhaliyey oo ay ku kala aragti duwanayeen Xukuumada Somaliland, Xisbiyada Mucaaridka iyo xildhibaanada golaha wakiilada oo u kala jabay laba qaybood.

Waxaana Go’aanka laga sugayo Maxkamada Dastuuriga ahi yahay laba mid uun inay ku dhawaaqo kuwaas oo kala ah

1-In Maxkamadu Sharci ka dhigto oo uu dhaqan gal yahay xeer LR 14/2021 kaas oo ay wax ka bedel ku sameeyeen golihii wakiilada ee kan ka horeeyey in sidaa uu dhaqan gal ku yahay.

2-Go’aanka labaad ayaa isaguna ah in xeerkaasi uu madaxweynuhu kusoo celiyey aanu sidaa dhaqan gal ku ahayn oo dib xildhibaanada golaha wakiiladu uga doodaan una ansixiyaan.

Si kastaba ha ahaatee Xeerkan oo dhaliyey Khilaaf sharci oo kala qaybiyey Laamihii Dawlada ee Sharci dajinta iyo Xukuumadii oo fulintii ah, Xoisbiyadii qaranka mucaarid iyo muxaafid iyo  xildhibaanadii shacabku soo doortay sidoo kale ay sharciyaqaanada iyo qareenada somaliland midba uu sida ay ula muuqato ugu tafsiiray ugana bixiyey talo bixin aan loo baahnayn wakhtigan maadaama ay dacwadu ku jirto maxkamadii dastuuriga ahayd, ayaa bulshada qaybheeda kala duwanina aragtiyo kala duwan ka bixiyeen.

Natiijada Haddaba kasoo Baxda Maxkamada Dastuuriga ee Qaranka ugu Sareysa Ayaa Shacabka Somaliland dhawrayaan go’aanka ay kasoo saarto Xeerkan muranka dhaliyey oo dhinac walbaaba ku khasban yahay go’aanka kama danbaysta ah ee Maxkamada Dastuuriga ah.