Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tababar Ku Saabsan Habka Dacwadda Iyo Anshaxa U Furay Qaar Ka Mid Ah Garsoorayaasha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Tababar Ku Saabsan Habka Dacwadda Iyo Anshaxa U Furay Qaar Ka Mid Ah Garsoorayaasha Dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, oo ay wehelinayeen Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye, Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Sare isla markaana ka mid ah khuburada tababarka bixinayay iyo Madaxa Tababarada Maxkamadda Sare Ayaan Maxamed Ibraahin ayaa maanta tababar u furay 37 garsoore oo ka tirsan Maxkamadaha heerarka kala duwan ee gobolka Maroodi-jeex, Maxkamadda Gobol/Degmo Hawd iyo Maxkamadda Gobol/Degmo Gabilay.

Tababarkan oo ku saabsanaa habka qaadista dacwadaha iyo anshaxa wanaagsan ee garsoorka ayaa socon doona muddo lix cisho ah, waxaana lagu lafa-guri doonaa arrimaha sal-dhiga u ah garsoorka sida Shareecadda Islaamka, xeerarka Madaniga iyo Ciqaabta iyo xeerka anshaxa Garsoorka, waxaana muddada uu tababarku socdo garsoorayaasha ka soo qayb galay ay isku waydaarsan doonaan waayo-aragnimadooda iyagoo geesta kalana ka faa’iidaysan doona khubarada tababarka bixinaysa.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex Cali Suudi Diiriye oo furitaanka tababarka ka hadlay ayaa xusay in ay muhiim tahay in qofku ku baraarug-sanaado in ay wax ka dhiman yihiin oo ay lama-huraan-tahay in uu korodhsado cilmiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali oo tababarka furay ayaa sheegay in tababarkani daba-socdo tababarro ay Maxkamadda Sare, hoggaaminaysay oo qayb ka ah dadajinta dacwadaha iyo tayaynta hawl-wadeenada garsoorka, waxaanu guddoomiyuhu hoosta ka xariiqay in ujeedada tababarku ay tahay sidii aragti cusub iyo fikir cusub uga dhalan lahaa ra’yi-is-waydaarsiga ku jira tababarada, waxaanu garsoorayaasha kula dardaarmay in aanay ka daalin in ay kordhistaan aqoontooda, isagoo u hoga-tusaaleeyay garsoorayaasha in ujeedada laga leeyahay tababaradu ay tahay sidii loo horumarin lahaa loona sii wanaajin lahaa shaqada garsoorka, waxaanu gunnaanadkii u soo jeediyay garsoorayaashii soo xaadiray tababarka in ay kala faa’iidaystaan muddadaa uu tababarku u socdo.

Adam Haji Ali Ahmed

Ibraahim Maxamed Cali
Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare