“Anigu Waxaan Noqon Doonaa Oo Aan Taariikhda Ku Galayaa, Hadii Waxaan Idiin Balan Qaaday Oofin Kari Waayo, Shanta Sano Iigu Dhamaan Mayso” Maayar Mooge.

Hargeisa(GNN):-Maayirka Caasimada Hargeisa Mudane C,kariin Axmed Mooge ayaa hadal dareeno qiiro iyo waddaniyad leh ka jeediyey madal ay isugu yimaadeen kumanaan qof oo reer somaliland ahi, waxaanu ka hor cadeeyey inaanu ahayn qof munaafaq ah oo hadalkiisa iyo ficilkiisu aaney iskumid ahayn islamarkaana uu haddii uu wixii uu bulshada u balan qaaday uu qaban kariwaayo uu isaga tagayo shaqada.