Majiro Qof Ku Cadeynaya Oo Sitoos ah, Cadeymo ugu Haya In uu Tacadi U Geystay Axmed Muuse Biixi Laakiin Hadalhayntu Markhaati Ma Noqon Kartaa?

Hargeisa(GNN):-Mudo ayay Dad badani Baraha Bulahada Ka Jeedinayeen Eedayn Ku Sahabsan in uu Tacadi u Gaystay Axmed Muuse Biixi, iyadoo aannu Jirrin Wali Qof Cadeyn Rasmi ah Kusoo Bandhigay in uu isagu Gacantiisa ula taggey Marka laga reebo hadalhaynta iyo Sheekada Tixraaca Qoraalada Baraha Bulshada, taas oo Meel ka dhac ku Noqonaysa Xuquuqdiisa Shakhsiga ah in Loogu Xadgudbo, in Axmed oo Katirsan Saraakiisha Ciidamada Somaliland uu Yahey, Wiilkii uu Dhaley Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Laakiin, San Marnaba Lasoo bandhigin Wax Caddeyn u ah Arrimaha Lagu hadalhayo, iyo Qof uu si Badheedh ah Wax ugu Gaystay Labadaba, Wariye Germany oo Marar badan Aflagaadeeyay, Madaxweynaha iyo Masuuliyiin Kale, muu Xusin, Isagu Sarkaalkan.
Magaalooyin Badan, oo Kamid ah Qaarada Afrika iyo Soomaaliya inteeda Kale, Marna ma dhacdo in Qof Sheeganaya Magaca Warbaahinta Dadka Ka shaqèeya, Ama Saxafi Ahi uu Sitoos ah ugu badheedho Madaxweynaha isagoo Ku dhaleecaynaya, Waxyaabo Qeyru Sharci ah, Ama Af Ciyaala Suuqnimo, Tusaale ahaan Toddobaadkan Warbaahinta Sida Tooska ah u Taageerta Madaxweyne Farmaajo ee ay Kamid Yihiin Horafdhi oo dhinaca Baraha Bulshada ah ayaa ka Sheekaynaysay, in Tacadi Loo Gaysto Somaliland Saxafiyiinta, Taasi Waa been Cad, Marka Loo eego Waayihii ay Warbaahintu soo Martey Somaliland Gudaheeda, oo Wakhtiyada Qaar Lagu Taxaabi jirrey, Mawduucyo kala Duduwan iyadoo aannu Baraha Bulshada ee Qof Waliba Waxa ay La Noqoto Ku soo Daabacayo.
Mana jirto Cid hadda Tacadi badan Loo Gaystaa, Laakiin Kuwa arimahaa Ka Sheekaynayaa Waxey Qarinayaan Inta Wariye ee Lagu Diley, Magaalada Muqdisho, iyo Koonfurta Soomaaliya, oo Noqotey Xabaalihii Saxaafada Afrika, Haddeynu usoo Noqono Nuxurka Qoraalkan, Boqolkiiba Boqol Waalaga gardaran Yahey, Sarkaalkan Been abuurka laga Sameeyay, Marar kala Duduwan Axmed Muuse Biixi, Mar haddaanu Jirrin Qof isaga Wax ku Cadeynaya Sitoos ah mana aha in uu Dusha ugu Qaato Waxaanu lahayn Aabihii ayaa Madaxweyne ka ah Somaliland, illeyn isaguba Xuquuqdiisa Shaqsiga ayuu leeyahey,e Qolyaha Xuquuqal insaanka Sheegtana, Waxeynu Leenahey Wali Nalamaydaan Wadaagin Cadeymo la Taaban karro,e Laakiin Maxaynu Ku xalaalaynaa in Madaxweynaha Sitoos ah Loogu Gaysto Arimo Ka baxsan Waajibaadka iyo Xilka uu Umadda u Hayo?