Sarkaal Ka Socoda Ururka Qareenada Jsl Oo Safar Shaqo Ku Tagay Dalka Djibouti ayaa Kulamo La Qaatay Ururka Qareenada Dalkaasi.

Hargeisa(GNN):-Guddoomiyaha xidhiidha ka Arimaha dibada ee Ururka Qareenada Somaliland, Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax oo maalintii 3aad safar shaqo ku jooga wadanka Djabuti,ayaa kulamo kala duwan la qaatay,Masuuliyiinta ugu sareeya ururka Qareenada jabuuti,

Waxaana kulamadani daba socodaan Xidhiidho wada shaqeyneed oo ay ururka qareeenada somaliland la yeelanayeen mudooyinkii ugu danbeeyey la sameynayeen ururada qareenada wadamada jaarka la ah somaliland oo ay hore ula sameeyeen xidhiidh noocaan oo kale ah ururka qareenada dawlad deegaanka somaalida itoobiya oo hore safaro kala duwan ay labada dhinacba is waydaarsadeen.
Maaha markii ugu horeysay ee madaxda ururka qareenada somaliland oo wadda dadaalo kor loogu qaadayo adeegyada sharci ee ay qareenada somaliland umada u hayaan ugu safraan wadamada dariska kuwaas oo la xidhiidha wadda shaqeyn iyo kor u qaadista xirfadaha qareenada dalka oo ay si weyn uga bedeleen.