Waftigii Hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Oo Caawa Ka Duulay Addisababa iyagoo Kusii Jeedia Washinton Dc.

Addisababa(GNN):-Waftigii uu hogaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay ku wehelinayaan Xubno wasiiro ah iyo Saddex Kamida Ganacsatda ugu Waaweyn dhulka soomaalida ayaa caawa abaaro 11kii habeenimo ka duulay madaarka diyaaradaha ee addisababa, waxaana waftigan madaxweynaha ee usii jeeda dalka maraykanka, halkaas iyaguna qadar nasasho ah kula qaatay wafti kala oo ka socoday golaha baarlamaanka somaliland oo iyaguna martiqaad rasmiya oo ay ka heleen Baarlamaanka Midowga Yurub ugu kicitimay dalka biljamka halkaas oo ay kagaga qayb galayaan shirweyne ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium iyadoo ay si weyn isu abaabuleen jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaas.

Waxaana Labadan Wafti  ay Maanta dalka uga wada kicitimeen Safaradaa shaqo ee ay ku kala tagayaan Biljamka iyo Maraykanka.