Waftigii Ka Socoday Baarlamaanka Jamhuuriyada Somaliland Ee Ku Sugnaa Dalka Belgiumka oo Kulan La Qaatay Jaaliyada Jsl ee Ku Nool Dalkaasi.

Belgium(GNN):-Jaaliyada reer Somaliland ee ku Sugan Caasimada Dalkaasi ee Brussels ayaa kulan la qaatay Waftigii ka socoday Baarlamaanka Somaliland oo martiqaad rasmiya ku tagay xarunta midowga yurub, waxaan waftigan oo ay soo casuumeen baarlamaanka yurub, ayaa halkaasi todobaadkii ugu danbeeyey ku jiray shirar kala duwan oo ay la qaateen baarlamaanka dalka yurub, waftigan oo ay hogaaminayeen shirgudoonka labada aqal ee somaliland iyo Marwo faadum siciid oo la taliye u ah baarlamaanka somaliland.

Waxaana Kulan isugu jira casuumad casho iyo xogwaran u sameeyey Jaaliyada reer somaliland ee ku nool dalkaasi beljiumka,halkaas oo ay hawlaha qaranka iyo dardargalinta arrimaha qaranimada isku dhaafsadeen jaaliyada iyo waftigan ka socoda baarlamaanka somaliland.

Waftigan ka socoday Baarlamaanka Somaliland ee ku sugan Xarunta Baarlamaanka Midowga yurub ayaa sidoo kale waxay shirar gaar gaar ah la qaateen golaha councilka iyo baarlamaanka midowga yurub, iyadoo ay jiraan xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka midowga yurub ay la kulmeen waftigu ay sheegeen in somaliland tahay geeska africa cadceed usoo baxday islamarkaana ay ka baarlamaanka midowga yurub ahaan soodhaweynayaan baarlamaan shacab doortay oo lamid ah kooda, sidoo  kalena ay xog ogaal u yihiin horumarka iyo dimuquraadiyada ka hanaqaaday dalka somliland.

Waxaana faahfaahinta Shaqadaasi waftigu ku maqnaayeen la filayaa inay maalmaha inagu soo socoda ay dalka soo gaadhaan kana warbixiyaan safarkooda insha allah.

Halkan Hoose Ka Daawo Nuxurka Khudbado Kooban Oo Ay Ka Jeediyeen Madaxda Jaaliyada reer Somaliland ee ku nool dalka beljium waftigan oo ay u sameeyeen casuumad.