Bayaan ay soo Saartay Daladda SSNL-Somaliland ee Waddanka Holland.

Somaliland Society in the Netherland

Date:  11.04.2022

Ku: Ururada Somaliland ee Holland

Ku: Mutadawiciinta (Activists) ee Holland

Og: Guddida Qaadhaan ururinta Suuqa Waaheen

Og: Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland

                              Habsami u socodka Hawlaha Qaadhaan ururinta Suuqa Waaheen

Tan iyo maalintii uu soo baxay baaqa Xukuumadda Somaliland ee ku saabsan Qaadhaan ururinta Suuqa weyn ee WAAHEEN Hargeysa, waxa daafaha dunida  aad looga dareemay sida dadweynaha ka soo jeeda Somaliland ay  u ayideen baaqaa.  Arrintaasi waxay muujinaysaa sida Jaalliyadaha Somaliland ay ugu xidhan yihiin dalkooda, diyaarna ugu yihiin ka qayb qaadashada gurmadka iyo taakuleynta dadkooda iyo dalkooda.

Waxa meelo badan oo qaaradda Yurub ah si  xammaasad waddanimo leh uga  socda kulamo lagu lafagurayo habsami u socodka hawlaha qaadhaan ururinta ee  suuqa WAAHEEN ee ku yaalla  badhtamaha caasimadda.

Dalka Holland ayaa ka mid ah waddamada ay  bulshada ku dhaqani  sida weyn isku abaabuleyso oo magaalo walba dhinaceeda ka waddo dadaal xoog leh oo dhaqaale loogu ururinayo dadkii hantidooda ku waayey masiibadii ku habsatay suuqa weyn  ee WAAHEEN.

Annagoo bogaadinayna  dadaalka  nafhuridda ah ee ay wadaan  ururada iyo mutadawaciinta hawshan ku jiraa,  waxan ku baraarujinaynaa inay la  xidhiidhaan guddida Qaadhaan ururinta Suuqa WAAHEEN.  Ugu dambeyn waxan kula dardaarmaynaa inay ku dadaalaan inay qaab hufan (transparent) ah ku hawl galaan  dhaqaalaha ay soo ururiyaan ku shuubaan xisaabta (Account-yada) loogu tallagalay ee la soo cayimay.

Wa billaahi tawfiiq

Guddida Fulinta

Somaliland Society in the Netherland

E-mail  adam.32@live.nl