Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahi Riyaale Kaahin oo galabta hadlay ayaa been qaawan ku tilmaamay in 80 cod xisbiga Kulmiye lagaga heley doorashadii ay wada galeen xisbigii Udub

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahi Riyaale Kaahin oo galabta hadlay ayaa been qaawan ku tilmaamay in 80 cod xisbiga Kulmiye lagaga heley doorashadii ay wada galeen xisbigii Udub.

” Cabdilaahi Jawaan oo ahaa gudoomiye ku xigeenka Komashanka ayaa ku dhawaaqay doorashadii 2003 in 80 cod inaan ku heley ayuu marki hore sheegay , kulmiye markaa may hibeyn oo may aqbalin in laga heley , maxkamada sare ayay dacwad u qorteen , markii maxkamadu tirisayna 200 iyo dheeraad ayay xukun maxkamadeed ku soo saartay inaan ku heley , rag Kulmiye ah ayaan maalin walba dhageysta oo ku dooda inay 80 cod kaga tageen 2003 , taas oo ah been qaawan oo umadda reer Somaliland ay la hor taagan yihiin oo aanay ka xishoonin “.

” Sideedii sanadood ee aan xilka hayay maalin kastoo qaran marti qaad ayaan xisbiga Kulmiye u fidin jiray maalin kaliyana kamay soo qeyb galin xaflad qaran oo aan ku marti qaaday xisbiga Kulmiye “.

” Waxaanay faan u lahayn ayay maalin kasta dadka la hor taagan yihiin , si aan uga hor joogsado oo umada mar dambe faanka been sheegashada aanay umadda ula hor iman ayaa isoo kicisay maanta” Faah Faahinta warkaasi halkan Hoose ka Daawo. 

Daahi Riyaale Kaahin
madaxweynihii hore ee Somaliland
oo Sahan Tv u waramay.