Dalladda Somaliland Society in UK & EU Waxay Qurbo Joogga Reer Somaliland ee yurub iyo UK Ugu Baaqaysaa in ay si Wayn Uga Qayb Qaatan Xuska 18May.

 

UK-EU Somalialand Diaspora                                                               Qurbajooga SL  UK/EU ee Somaliland         

 Dalladda Somaliland Society in UK & EU Somaliland Diaspora waxay qurbo joogga reer Somaliland ee yurub ku boorinayaan in si buuxda looga qayb galo dabbaal-degga iyo bannaan-baxyada lagu muujinayo sannad guurada 31aad ee Qaranimada Somaliland . 

 

SSUK iyo EUSD waxa ay baaqan kooban ku muujinayaan dareenka togan ee ka dhashay  qabanqaabada hawsha iyo  diyaar garowga  xuska maalinta 18(ka) May oo ah maalintii Somaliland ay la soo noqotay qaranimadeeda iyo madax-banaanideeda.  Xuska 18 may 2022 waa munaasabad ka culus ama ka mudan kuwii hore, maadaama ay tahay 31 guuraddii.

 

Dalladu iyada oo eegaysa mudnaanta Xuska sannadkani uu huwanyahay ayaa si xushmad leh  looga codsanaynaa dhammaan Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub inay cududooda iyo maskaxdooda isugu geeyaan sidii loo qaban lahaa munaasabado aad uga bilan kuwii sannadihii aynu ka soo gudubnay.  Waxa hubaal ah  inaynu qabanayno munaasabado aynu ku soo jiidanayno saaxiibada iyo asxaabta waddamada aynu deganahay si loo horumariyo wacyigelinta jiritaanka Somaliland.

 

Waanu ka warhaynaa in Jaaliyaddo badani ay barnaamijyo u qalma munaasabada sannadkan ay diyaariyeen, waana waajib ay gudanayaan.  Waxa muhiim ah inaynu xoojino ka wada-shaqeynta iyo rayi is-weydaarsiga munaasabadaha la qabanayo si loo tayeeyo barnaamijyada aynu ugu talo galnay xuska 31 guuradda Somaliland.

 

Baaqan waxa kale oo aannu uga faa’ideysanaynaa dhammaan Jaalliyadaha Qaaraddan Yurub in ay ka hawl galaan  sidii dadweynaheenna qurbo jooga Somaliland ee Yurub ay uga qayb geli lahayeen  qaadhaan ururinta dadkeennii  hantidooda ku waayey masiibadii ku habsatay Suuqa Weyn ee  WAAHEEN.  Annaga oo dareensan in in badan oo Jaalliyadaheenna iyo mutadawaciin badani ay  si xammaasad waddanimo leh uga qayb qaadanayaan hawshan gurmadka iyo taakuleynta , ayaa haddana ay naga tahay xusuusin.

 

Ugu dambeyn, waxannu u rajeynaynaa in xuska 31aad ee sannad guuradda Somaliland inoogu dhammaado  guul iyo gobanimo oo  si wada jir ah u bilno  isla markaana  munaasabadahu ay inoo noqdaan kuwa ay ka soo baxaan natiijo wacan.

 

Allaah mahad leh

 Somaliland Society in UK & 

EU Somaliland Diaspora